HADDUU HUNGURI KU QAADO TALANA WAA LAGU DARAA

MAQAAL

28 /10 / 2014
Waxa aan salaamayaa warbaahinta
Madaxa bannaan.

Waa keene iyo kordhiye.
Keene. Waar yaa kordhiye saaxiib .
Waxa aan ku wey diiyay. Waxa la yidhi.
Hadduu hunguri ku qaado talana waa lagu daraa.
Waar waxan sheegana-ya xukuumad miyaanay wax isdhaama la hayn.
Maxaa u geeyay labbareeriga gaandi oo ah meelaha.
Lama taabtaan-ka ah .
Kordhiye. Saaxiib kuwan aad sheegay-saa ma miyir-qabaan
Waayo qofku hadduu tuug noqdo iimaan kuma hadho.
Dabeed ma kala jecla waxa uu xadayo .
Mar hadduu qaadan karaayo .
Markaa arinku waxa weeye kollay waa tegaynaa.
Yaynaan waxba ka tegin.
Keene. Saaxiib mar hadday sidaa ta hay .
Afartii maa ku tuuri.
Kordhiye. Saaxiib ku soo dhawoow
Innagaa ka dawlada dhulkoo
Doortay shacab kiiye.
Diiqbuu wakhtigi saran yahay
Doorki maamulide.
Daafaha wixii qaran lahaa
Saarray daawaha,e

Gaandibaw danbeeyiyo qaar-kaloo
Qoray dilaal kiiye.
Kollay waa degaynaa markale
Dacar usoo eege.
Sidii dura ayay naan mar kale
Foqor is doondoonin.

Waxa doolar yaaliyo ta kale
Daaf-ta wada keena.
Duqu hayska jiifee yartuna
Wayska dumaruune.
Dawdaba siddeedaa bilood
Haragganaw daaya.
Waxba yaynaan dagaal ka ridin
Daadin xoolahane.
Food-kiyo waxay doona-yaan
Daya nasiib-keenna.

Mahadnna (ALLAA ) iskale
Guuleed liibaan ( caynabo )