Fanaanada Weyn Ee Sahra-Halgan Oo Si Adag Uga Hadashay Talaabada Ay Xukuumaddu Ku Iibisay Maktabadii GAANDI, Fariin Hanjabaadana U Dirtay Ganacsatada Ilma Faarax XARBI.

“ilma Faarax Xarbi miyaanay ILAAHAY ka baqayn oo aanay xishoonayn xataa ma waxay garan waayeen wax booba oo ka fogaada meesha Ardayda wax ku dhigato.”Sahra Halgan Wareysi Hayaannews.com

Hargeysa(Hayaannews):- Fanaanada Caanka ee Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) ayaa ugu hanjabtay xukuumadda Somaliland inaanay aqbali doonin talaabada ay Library-ga Gaandi kaga iibisay Gacsato ay ku tilmaantay Ilma Faarax Xarbi, iyada oo ku eedeysay ganacsatadaasi Ilma Faarax Xarbi inay hore u iibsadeen Boostii Hargeysa oo ku taala dhinaca danbe ee library-ga GAANDI.

Sahra-Halgan waxay sidaa ku sheegtay Wareysi ay siisay maanta Shabakada Wararka ee Hayaannews.com, isla markaana  waxay ku dooday inaan Ilma Faarax Xarbi laga ogolaan doonin inay qaataan library-ga Gaandi oo ay ilaashanayaan Somaliland.

Mar la weydiiyay Fanaanada Sahra Halgan sida ay u aragto talaabada ay xukuumaddu ku iibisay Library-gii Gaandi ee ay Ardeydu wax ku akhrisanaysay? Ayaa waxa uu ku jawaabay “Wax waliba adduunyada waa lagu arki ILAAHAY jannadii fardowsa ha ka waraabiyee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal dhulkii uu siiyay in laga dhigo laybareeri oo Ardayda Somaliland wax ku barato ee loogu magacdaray siyaasigii weynaa ee Gaandi in maanta laga iibiyo niman baayac mushrati ah oo markii horena iibsaday boostii kaliya ee ay Hargeysi lahayd ee Taariikhiga iyo xusida mudnayd ilma Faarax Xarbi miyaanay ILAAHAY ka baqayn oo aanay xishoonayn xataa ma waxay garan waayeen wax booba oo ka fogaada meesha Ardayda wax ku dhigato.”

 

Sahra Halgan waxay ugu hanjabtay Ganacsatada Ilma Faarax Xarbi ee la sheegay in laga iibiyay maktabadii GAANDI, inaan laga aqbali doonin“Walaahi inaan taa laydinkaa ogolaanayn ee dhulkale doonta Gaandi Hargaysa iyo Somaliland-baa wada ilaashanaysee”.Ayey ku Jawaabtay Sahra Halgan oo u waramaysay Shabakada Caalamiga ah ee Hayaannews.com oo khadka telefoonka kula xidhiidhay.

Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan) waa fanaanad cod macaan oo dadku wada-jecel yihiin isla markaana waxay ahayd Mujaahidiintii SNM ee dalka Somaliland xorreeyey ee dhiig iyo naftoodaba u soo hurey sidii aynu maanta ugu naaloonayno nabadda, Sahra-Halgan waxay ku caan baxday inay ka dhiidhiido tacadiyada, dulmiga , eexda, musuqmaasuqa iyo qaraabo kiilka ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xalaashatay muddooyinkii ugu danbeeyey ee ay talada waddanka ka talinaysay, taas oo ay ku karaamo beeshay, isla markaana ay dadweynaha reer Somaliland naceen hab dhaqanka xukuumaddan talada waddanka haysa ee aan umadda reer Somaliland ee dooratay ka xishoonayn, ILAAHAY-na aan ka baqayn.

sahra-halgan3

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Hayannews