Jawaab Suldaan Mohamed Abdil-qaadir oo taageersan in Gandi Library Bakhaaro loo bedelo oon dhex-dhexaad ka noqonin by Abdi Mustafe

Daawo Muqaal,Suldaanka Guud Ee Saladiinta,Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo Difaacay  Golaha Deegaanka Hargeysa…
Suldaan Mohamed Abil-qaadir waxaan weydiinayaa wuxuu u duudsiyey meel 15 sano Library ahayd oo xukuumadihii hore bixiyeen oo bulshadu siiba dhalin yaradu wax ka akhrisato internetkana kala socdaan?
Suaasha labaad waxa weeye ilma Gandi iyagu miyaanay muwaadiniin ahayn. Suldaanku wuxuu ku cel-celiyey ilma Farah Xarbi inay muwaadiniin yihiin. Reer Hargiesa haday noqotana ilma Gandi ayaaba ku dhashay, ilma Farax Xarbi na Berbera iyo Burcao ayey ka soo wareegeen ee halkaa xalku kuma jiro ee muxuu Suldaanku isaga indha tirayaa in meeshan mudo dheer ba ilma Gandi maamulayeen oo aanay dan shakhsi ahayn ee dan bulsho ay tahay. Waxa xaqiiq ah in aan Suldaanku Cilmiga taageerin ee uu taageeray cidii tidhi hadalkaa noo dhe ama xukuumada ha ahaato ama ilma Farax Xarbi ha ahaadaan e. Suldaanku markuu ka qalin jebiyey dugsiga dhexe ee Ahmed Gurrey 1964 kii wuxuu helay derajeda uugu hooseysa oo markaa la odhan jiray ( D ), dabeed Suldaan Rasheed oo adeer kii ahaa oo xiligaa ahaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somalia ayaa Sudan u diray. Markuu halkaa waxba ku soo baran waayey ayaa hadana loo diray Russia iyadana wax tacliin ah oo uu ka soo korodhsaday ma jirto. Sidaa darteed Suldaanku tacliinta ma ciseeyo sida ilma Farah Xarbi oo caqligoodu siiyey in ay meel Library ah adeer kood Silaanyo weydiisataan in looga qaado ilma Gandi. Hadal iyo dhamaantii goobtii shicibka ka xoreyn lahayd xukumadan duliga ah ee cilmi la dirirka ah weeye Gaandi Library ee dagaal ka bilaabmi lahaa. Suldaanku ma wuxuu garan waayey waa la isku dili hadii ilma Farax Xarbi la siiyo Library ga oo laga qaado ilma Gandi. Subxaan!!! Suldaanku in uu dhex ahaado ayey ahayd hadii kale uu dib uuga joogsado. Suldaanku labadii is qabsataba mid baa u taga oo yidhaa kaalay i taageer. Suldaan sidani kaa socon meyso bulshaduna wey kula yaabantay oo cid walba waad dhex boodeysaa ee karaamada ha iska qaadin hadeyba kugu hadhay.
Â