DAMACA GAANDI LIBRARY WAA ARIN ARGAGAX LEH WAANA ARIN U BAAHAN IN DIB LOOGA FAKARO…

Unknown

GAANDHI LIBRARY
DAMACA GAANDI LIBRARY WAA ARIN ARGAGAX LEH WAANA ARIN U BAAHAN INUU SHACABKU KA KACO.
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meel kasta oo ay aduunka ka joogaan. Salaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wa barakaatu.
Marka labaad waxaynu wada og nahay in ay aqoontu tahay waxa kala haga umada ama u horseeda horumarka. Umad walibana xaq bay u leedahay inay ilaashato oo kor u qaado ilaha wax barasho haday tahay School, Library, Laboratory IWM. Ta kale wax yaalaha umada ka dhexeeya sida beero banaan, Librariyo, Garoomada ciyaaraha iyo wixii la mida waxay qurxiyaan bilicda magaalada. Waxayna kor u qaadaan maskaxda biniaadmiga ama bulshada halkaa ku nool.

Markaa manta iyada oo Somaliland huud ahaanba u baahan Librariyo badan in kii jiray la iibiyaa ama la damaaciyaaba waa arin naxdin leh. Ka iibiya iyo ka iibsadaaba waxay damceen ama qaateen waa haday dhacdaye xoolihii umada. Dadka xoolaha umada qaataaana qiyaamaha iyagoo calan dabada laga sudhay ayay soo baxaan. Xisaabtooduna way badataa. Ilaahay haynaga ilaaliyee.
Markaa waxaan uga digayaa qof kasta oo ku lug leh arintan GAANDI LIBRARY iyo meelo kale oo badan oo umada ka dhexeeyaba inay dib isaga taagaan oo doontaan ama ibsadaan dhulkaa badan ee banaan. Waxaynu haysanaa dhul aad u badan oo inaga badan dhamaanteen. Maynagaa wali fooqaq is dul saarnay dhul yaraan daraadeed sida caalamka. Wixii ilaahay kuu qorayna halkaad joogto ayay kugu soo gaadhayaan hadaad suuqa dagto iyo hadaad ka fogaataba. Waa caqli xumo in qof waliba doono centreka ama badhtamaha magaalada.  markaa mudanaha raba dhulka librariga waxaan ka codsanayaa inaanuu mahliko doonan oo dhul xalaala, xor ah oo madax banaan iibsado.

WAAD MAHADSAN TIHIIN
SAAD MOHAMED QAWDHAN
LONDON, UK.
Saad.osman@thameshr.co.uk