Daawo Sawirada” Konteenar laga soo buuxiyay Qalab ciidan iyo waxyaabaha qarxa oo dekada Muqdisho lagu qabtay…..

Ciidamada Ammaanka Dowlada federaalka ah ee Somalia ayaa maanta gacanta ku dhigay Kunteenar ay ka buuxeen Waxyaabaha Qarxa oo la sheegay in uu Urarnaa Ganacsato Soomaaliyeed.

Kunteenarka ayaa waxaa waday Markab kasoo ambabaxay Dalka Shiinaha waxaana maanta lagu qabtay Dekadda Muqdisho xili alaabtaasi la daadgureynaayay.

Mas’uul ka titsan Maamulka Dekadda Muqdisho oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Xasan “Wataac” oo la hadlay VOA laanteeda Afka soomaaliga ayaa sheegay Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya ay Gacanta ku dhigeen Kunteenarkaas oo ay ka Buuxaan Waxyaabaha Qarxa islamarkaana la doonayay in Magaalada Muqdisho la soo galiyo.

Waxyaabaha uu Kunteenarka siday ayaa waxaa uu u badnaa dareeska ciidamada Militeriga, hub iyo waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada balse inta aan alaabtaasi lasoo galin gudaha magaalada ayaa waxa ay u gacan galeen Laamaha ammaanka Dekada gaar ahaan Ciidamada Nabadsugida qaranka Somalia.

Dekadda Muqdisho ayaa dhawaan waxaa lagu qabtay Labo Kunteenar oo Qamri ah, kuwaas oo la sheegay in dalka ay soo galiyeen Ganacsato Soomaaliyeed 22-ka Bishan.

Laamaha Amaanka Dalka wali kama hadlin Agabka lagu sameeyo Qaraxyada oo maanta lagu qabtay Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Salaanmedia/Moqdisho