MASHRUUCA CAANAHA RIYAHA EE G/BARLAMAANKA SOMALILAND Q: 2aad

MASHRUUCA CAANAHA RIYAHA  EE G/BARLAMAANKA SOMALILAND 

Q: 2aad

maqaal

 

​Marka hore waxa aan salaan qaliya haawada u soo marinayaa dhamaan halwadeenada Website ka, ee hadh iyo habeen u taagan inay dadkooda soo gaadhsiiyaan warar xaqaa iqa ku salaysan.

 

Waxa Baryahan danbe somaliland ka curtay Mashruux aan la saa daalin karin halka uu ku bisho shubmayo, oo ay soo qaateen Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Ahmed Maxamed maxamuud siilaanyo, taas oo laga shaqaynayo sidii laysaga hor keeni lahaa bulshada walaalaha ah ee reer somaliland. Mashruucan ayaa waxa dabada ka riixaya Wasiiro iyo Xildhibaano iyagu u tafo xaytay sidii ay hagar daamo u soo gaadhsiin lahaayeen sumcadii iyo karaamadii uu ku dhex lahaa geeska Africa, G/Baarlamaanka Somalialand.

 

Wasiirada oo uu Budhtuur u yahay Xirsi X Ali iyo Xildhibaanada oo uu horboodayo Cali Mareexaan ayaa waxa ay ka dhigeen sharcigii iyo dastuurkii mid lagu maamulo musuqmaasuq baahsan oo aan waligii hore uga dhicin 23 sano ee ay jirtay soomaliland, arrintan ayaan hore loogu arrag gayiga soomalidu degto, tusaale hadaan u soo qaato mooshinkii ay wadeen waxa u Sahay ahaa oo kaliya lacagta laga soo urruriyay islaamaha Bacadka tabaadhada ku iibiya iyo waxoogaa lacagtii loo qoondeeyay Wadada Ceerigaabo.

Dhamaan Farsamooyinka ay wadaan maafiyada cusub ee ka curatay soomaliland ayaa waxa uu galinayaa mugdi Qaranimadii soomaliland hadii arrintu noqotay ( Dollar kow Tali), Ceebaha, iyo fashilka siyaasadeed xukuumada siilaanyo ayaa waxa loo nisbeeyaa Wiilka Qaalinka ah, Xirsi X. Ali (Political junior) iyo Group Xildhibaano Sida Cali Mareexaan, Waabeeyo iyo Sulebaan BAKHAAR, Ninkaas oo barigii hore magac fiican lahaa lakiin iminka somaliland looga bixiyay magacaa cusub. Nimankan ayaa hadba meesha dhari ka qiiqayo aan ka qoob qaaadin ama aynu odhan karno malaha wax mabda’a ee Saxan saxada Dollarku halka ay ka qabato ayay u dhaqaaqaan.!!!

Waxa ceebi u soo hoyatay, Xildhibaanada maalinba, inta sida xoolaha la duubo, hudheel loogu qado karinayo, ee iyagoon qaarkood dufankii sifiican iskaga maydhin aynu shaashadaha ka daawanayno, ku waa madaxtooyada wax looga soo yeedhinayo, ee Saylici iyo Xirsi wax u laqimayaan waxa aaynu leenahay  Waxa aad noqon teen niman dantii qaran dhaafsaday, Daws iyo dhadhamo!!!

Madaxweynihii dhamaa ee talada loo doortay ayaa waxa uu wadaa Dhuumasho dhabarku muuqdo, oo uu isleeyahay malaa cidi kuma arragto, lakiin waxa la yidhi SAKAARO SAALO LA ARKAYO AYAY AAS AASTAA. Diirtan iyo ayaxan ooman hadaan maanta meel looga soo wada jeesan, waxa dhici doonta in Somaliland meel dheer laga doono.

Kooxda Mafia da ah waxa ay nidar kumareen sidii ay u burburin lahaayeen dhamaan sharciyada dastuuriga ah oo dhan, Madaxweynihii aaynu dooranay ayaa wuxuu u baahan yahay in laga xoreeyo kooxdan QORI ISMARISKA AH.

 

Waxa aan ku soo af meerayaa qoralkaygan in hurdada iyo fadhiga laga kaco oo dalka iyo dadka la badbaadiyo, oo aan lagu halayn cidkaliya ee group ka Mafia da ah isku meel looga soo wada jeesto. Taageerana loo muujiyo xildhibaanada Xaqa ku Adimaya.

Mohamoud Mohamed Abdilahi

Yorkshire

 

UK