Shir Doceedada Wasiir Xirsi ee Dhalinyarada Iyo Damaca Ku Laabudan

     FAALO                                    

 

 

 

 

 

F A A L O

Wasiirka wasaarada Madaxtooyadaa Somaliland Mudane Xirsi Cali X Xasan oo ah nin ay hadal hayntiisu aad u badantahay marka loo eego wasiirada kale ee Qaranka Amaba Dhigiisaa kuwa hada jooga iyo kuwa hore oo soomaray jagadan hada uu fadhiyo ama jagooyinka kale ee xilalka qaranka ayaa marka loo eego uu Mudane Xirsi noqonayaa ka ugu saamaynta badan wakhti xaadirkan imikaa iyadoo aanay jiri jirin Wasiiradii xukumadihii ee ina soomaray 
Wasiir noocan oo kale ay awoodiisa iyo saamayntiisuba u dhiganto tan hada ee Wasiir Xirsi uu la kelida yahay
Hadaba wasiir Xirsi ayaa waxa meelkasta oo aad istagto aad ka maqlaysaa Magaciisa iyadoo sida Runtiiya dadku ay noocyo fara badan usoo kala qaadaan hadal hayntiisa ama dhaliil ha ahaato amaba wejiyo kaleba ha ahaato hadal hayntiisuye
Bal hadab waxaynu caawa faalo kooban saari doonaa xidhiidh aad u dhaw oo uu Wasiir Xirsi si qarsoodiya ula leeyahay Qaybaha bulshada Qaarkood waana xidhiiidh uu sida runtiiya Mr Xirsi inta badan aad uga taxadiro in si rasmiya loo ogaado danihiisa weli socod baradka ah ee kaga dhex jira qaybahaas Bulshada kamidka ah waayo waxa laga yaabaa hadii uu si badheedha armihiisa uga dhex wato Damiciisa gaarka ah qaybahaas Bulshad kamida in ay wax baadani ka kala daataan
Hadaba hadaynu si toosa isu dul taagno cidda uu Mudane Xirsi Cali X Xasan la leeyahay xidhiidhka dhaw waa Dhalinyarada reer somaliland haw badnaadaan Dhalinyarada wax baratay ee aqoonyhandaaye iyadoo wararka qaarana ay sheegayaan in uu Dalka dibadiisana gaadhsiiyay hawlihiisa walaw aanay si rasmiya usoo shaac bixin shir doceedyo la sheegay inuu wasiir Xirsi Dalka dibadiisa kula qaatay qaar kamida Dhalinyarada Somaliyeed hadana waxa la dareemi karaa in uu si aada u daneeyo Xidhiidhka dhalinyarada Dalkeena waxana aynu wada arag naa badanaa isaga oo si wayn uga dhex muuqda xafladaha qalin jebinta Jaamacaadaha Dalka oo uu mar walba u sameeyo soo dhawayn Casho sharaf had iyo jeer dhalinyarada ka Qalin jebisa goobaha waxbarasho ee dalka 
Hadaba waxa aad halkaas ka swiran karaysaa in uu Mr Xirsi ku hawlanyahay kasbashada dhalinyarada waxana aynu eegi doonaa bal halka looga ceel dayo damacan guul oonka ah ee aan weli loo haynin darkii lagu hori lahaa
Lasoco===
By Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad plucky
Qalin Ku Difaac Group