Xildhibaanadda Mucaaridka Ah Oo Sheegay In Xeerka Khilaafku Ka Taagan Yahay Aanu Guddoomiye Cirro Qodobo Khalad Ah Ku Darin

Xildhibaanadda Mucaaridka Ah Oo Sheegay In Xeerka Khilaafku Ka Taagan Yahay Aanu Guddoomiye Cirro Qodobo Khalad Ah Ku Darin

Mucaridka

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Xildhibaanada Mucaaradka ah, ayaa meesha ka saaray in Gudoomiyaha Wakiiladu si gaara qodobo aan Goluhu ansixin ugu daray xeerka diwaangalinta Codbixiyaha iyo diwaangalinta. Waxay meesha ka saareen in Gudoomiye Cirro codaynta ka dib uu wax aan goluhu ansixin uu ku daray.
Waxay sharaxeen qaabka loogu daray Xeerka qodobada Xildhibaanada Muxaafadka ahi ka biyo diideen ee Guurtiduna u hakisay. Waxay sheegeen in ka hor ansixinta Xeerka lagu daray Qodobo dhawr ah oo ah doodii iyo soo jeedimihii Mudanayaasha ka dibna sidaasi loogu codeeyay.
Xildhibaan Maxamed Saalax Cige oo ka hadlay shir Jaraa’id oo ay xarunta wakiilada ku qabteen Xildhibaanada Mucaaradka ahi ayaa sharaxay qaabka loo soo koobay doodii xeerka Diwaangalinta iyo sidii loogu daray Xeerka“Sidaad wada Ogsoon tihiin waxaa jirtay in Goluhu markii uu shaqaynayay Xukumadda uu uga yimid Xeerka Codbixiyeyaasha iyo Madanigu,Xeerkaasi wuxuu ka yimid Xukumadda oo qaab u soo diyaarisay,qaabkay u soo diyaarisay waxaa loo yaqaan Mashruuc sharci,waxaanu yimaadaa Golaha oo Wax ka bedel iyo Kaabis ba ku sameeya, mana jirto oo ma dhacdo xeer intuu golaha u yimaado sidii Xukumaddu ugu soo gudbisay uga gudba.Xeer Golaha yimaada oo aan waxna lagu darin waxna laga reebini ma jiro”
Xildhibaan Maxamed Saalax Cige kuna xeel dheer Sharciga ayaa sheegay in Goluhu waajibkiisa ka gutay Xeerka diwaangalinta.waxa uu sheegay in 34 Mudane ka qayb galeen doodiisa,kuwaasi oo intooda badan aad uga hadlay iskuna waafaqay sagaal qodob.
“Xoghaynta oo Sharcigu siinayo Ururinta hadalka iyo Dooda Xildhibaanada, ayaa 34 Mudane doodooda soo Ururisay, waxayna ku soo koobtay 9 qodob oo Xildhibaanada intooda badani ka hadashay isna dul taageen. Dooda xeerka oo qaadatay 4 maalmood,kana qayb galeen 34 mudane waxay aqlabiyada Xildhibaanada doodoodu u badnayd sidan soo socota:-
1. Waxay Mudanayaashu soo jeediyeen in Doorashada Wakiilada iyo Madaxtooyada mar la wada qabto, waxaanay ahayd qaraar lagu ansixiyay Golaha;
2. In Xeerkan lala akhriyo oo la waafajiyo,xeerarka kala ah Xeerka Diwaangalinta Cod bixiyeyaashaee ah Xeer Lambar 37/2007 iyo lifaaqyadiisa oo ahaa afar lifaaq oo xeerkaas la socda.waxa kale oo ay soo jeediyeen xeerka kale ee Xeerka Jinsiyadda Lam-202-02 in isagana lala akhriyo oo wixii xeerkaas ka khuseeya lagu daro;
3.In Goobkasta oo Cod bixineed ay noqoto Goob diwaangalineed, maadaama laba boqol oo goobood la cayimay waxay mudaneyaashu soo jeediyeen in Xeerkaa hore qodobkaas laga soo qaato oo xeerkan lagu daro si goob kasta oo cod bixineed u noqoto goob Diwaangalineed;
4.Waxa kale oo ay mudanayaashu soo jeediyee in Xeerka lagu daro Indhaha(In Indhaha laga sawiro qofka is diwaangalinaya) oo markii wasiirku na horyimidna uu nagu waafaqa.
5. In Macluumaadka diwaangalinta Muwaadinka lagu daro xaaladdiisa gaar ahaaneed sida Guurka iyo warqada Qoyska(Family sheet);
6. Waxa kale oo ay soo jeediyeen in Heshiiska Xukumadda iyo Xisbiyada ee Madaxweynuhu soo gudbiyay lagu daro Xeerka;
7. Waxa kale oo ay soo jeediyeen in marka la sugayo Muwaadinka haddii aanu joogin caaqilkiisu, masuuliyiin lagu kalsoon yahay xaqiijin karaan,sida Xildhibaan,Sheekh,Iimaam Masaajid,Suldaan,gudoomiye tuulo..;
Xildhibaanku waxa uu sheegay in dhamaan qodobadan oo ka dhashay dooda Xildhibaanada islamarkaana 34-ka Mudane ee xeerkan ka dooday aqlabiyadoodu isku raacday lagu daray xeerkan ka hor intii aan la ansixin.
Waxa uu sheegay in Xildhibaanada Xeerkan wax ka badalka iyo kaabista ku sameeyay ee doodaha badiba soo jeediyay ay ahayeen kuwa hadda ka soo horjeeda ee Xukumadda taabacsan.
“Sida caadada ah marka doodu dhamaato Gudoomiyuhu Dooda ama Minitiska Xeerka wuu soo jeediyaa oo wuxuu yidhaahdaa Doodii mudaneyaasha waxaas iyo waxaas baa ka soo baxay,markaa marka qodobada dooda ka soo baxay ee mudanayaasha xeerka lagu daro gacanta ha loo taago ayuu yidhaahdaa, dabadeedna Qodobadii dooda ka soo baxay iyo xeerkii oo la isku guray ayaa la ansixiyaa, sidaas baana xeerkan loogu codeeyay” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Saalax.
Xildhibaanada Mucaaradka ahi waxay ku doodeen inaanay jirin wax khalad ah oo ku jira xeerkan balse waxay wadaan Mudanayaasha Muxaafadka ahi ay tahay Mudo kordhin iyo in dib loo dhigo Ansixinta Koomishanka doorashada iyo Miisaaniyadda qaranka