Maktabadii Gaandi Oo Lagu Guuleestay In Dib Loo Furo Iyo Cidii Gacanta Ka Gaysattay … Akhri Warkan

image

Maktabadii Gaandi Oo Lagu Guuleestay In Dib Loo Furo Iyo Cidii Gacanta Ka Gaysattay …

Hargaysa (SM)- Waxaa lagu guuleestay in dib loo furo maktabadii akhriska ee Gaandi ka dib markii ay ka hawl galeen Dallada Sonyo . Ururka Qoyaraasha Somaliland, abwaanno, iyo xubno kale oo ka socda bulshada rayidka ah o ka madaxbannaan siyaasadda.

Guddidan farsamo oo iskeed isku magacawday ayaa isugu jiraya Qorayaasha Somaliland,hal abuur iyo Daladda dhalinyarada .

Waxaana ay galabta sheegeen in si rasmi ah dib loogu furay Library-ga cid kasta oo adeegsan jirtayna hadda uu u furan yahay. Guddidu ayaa waxaa ay intaasiku dartay in iyagoo ka madax banaan dhinacyada arintani khusaysay ee ah Xukumadda oo la sheegay inay iibisay,Ganacsadaha laga Iibiyay iyo Bulshada dareenka cadhada leh ka muujisay ay isku xilqaameen in arintaas la xaliyo,kulamo ay Madaxda arintani khusayso ay la yeesheen ka dibna lagu guulaystay in dib loo furo Lirbary-ga.

Guddoomiyaha Dalada guud ee Dhalinyarada somaliland ee SONYO Mabaarig Ismaaciil Taani oo isna goobtaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi

“Illaahay ayaa mahad leh, Noo suuro galiyay inuu marlabaad soo laabto laybareerigii Gaandi shaqadii uu u hayay dhalinyarada somaliland-na Dib u bilaabo. maantana wuu furan yahay si rasmi ahna wuu u shaqaynayaa,hawl badan iyo dadaal badan oo ay sameyeen Dalada dhalin yarada Heer qaran iyo Ururka akhriska abwaan iyo masuuliyiin isku xil saaray in dib gacanta shacabka uugu soo celiyaan gaandi ayaa hawshan Dhameeyey,Maantana guul ayay kusoo dhamaatay hawshii aanu isku soo xil saarnayna, waxaanu u mahad naqaynaa cid kasta oo gacan ka gaysatay hawsha laybareeriga gaandi”

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Xog-hayaha Guud ee ururka Qorayaasha somaliland Saddaam Xuseen Carab waxaanu sheegay in ay aad ugu mahadnaqayaan wasiiradda waxbarashada waxaanu yidhi “immika Maktabadii Gaandi way furan tahay,waxaana maanta halkan noogu furtay wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland oo mahad naq gaar ah naga mudan,waxaanan xukuumada leenahay waad ku mahad santihiin sidaad dareen kayagii nooga ajiibteen.

Yaasmiin Maxamed Kaahin oo halkaasi ereyo ka tidhi ayaa hadalkiida ku bilawday “Gudidani waa gudi dhalinyaro ah oo ka kooban 10 Qof waxaana ay isku xil qaameen inaanay shacabku kicin iyo dhalinyaradu isla markaas halkaas aanay rabshado ka abuurmin,Sidaas oo ay tahay dawlada lama socon, Masuuliyiinta Laybareeriga lama socon waxaanu nahay Gudi isku xil saartay inaanu dhamayno Khilaafka Laybareeriga Gaandi.

Yaasmiin Maxamed ayaa baaq u dirtay ganacsatada waxaanay tihdi ”Ganacsatada waxaanu leenahay intaad bad-sanaysaan Bakhaarada Waxaad badsataan Maskaxda qofka ku jirta oo idinku intaad dawlada kasoo baxdaan Laybareeriyo kale Noo dhisa,waxaanu leenahay Madaxwaynaha Somaliland Go’aan Raga Nimo Leh ayaad ka qaadatay Laybareeriga Gaandi.

 

Si kastaba ha ahaate tallabadani ayaa guul u ah shacabka reer somaliland gaar ahaaan dhalinyarada aqoonyahanka ah ee adeegsan jiray maktabaddani waxaana god madaw ku dhacday rajadii ganacsadihii hungureeyay goobtani qiima leh ee bulshada k