Daawo Sawirada Khamri Badan Oo Ay Soo Qabteen Ciidamada Booliska Burco Oo La Gubay

Oct 29, 2014 Burco(SM) – Khamrigani tirabadan ee maanta lagu gubay gudaha magaalada Burco ayaa waxa soo qabqabtay ciidamada Bilayska ee ka hawlgala guud ahaan deegaanadaasi, waxana maanta ay guulaysteen ciidamada Bilaysku inay gacanta ku soo dhigaan khamrigii ugu badnaa abid ee soogala gudaha magaalada Burco.

Hadaba waxa ay maanta maxkamadu ku guulaysatay inay ku rido xukuno isku mida dadkii khamrigaani watay ee lagu soo qabtay waxana ay ahayd tirada raga watay khamrigaani afar nin kuwaasi oo lagu guulaystay in laba ka mida laga soo xaadiriyo maxkamada halkan labadii kale aanan ilaa hada gacanta lagusoo dhigin ee lagu daba jiro ciidamada Bilayskuna ay baadigoobayaan.

Maxkamada gobalka Togdheer ayaa hadaba nimankaani ku xukuntay afartoodaba min 3 sano oo xadhiga 3000000 S/l shilina, waxanay maxkamadu isla maanta ku gubtay khamrigani oo dhan isla maxkamada horteeda, iyada oo ay goob joog u ahaayeen masuuliyiinta gobalku sida Badhasaabka, Taliyaha Qaybta Bilayska iyo Masuuliyiinta Maxkamada gobalka Togdheer.

Hadaba sidii ay hawshani u dhacday halkan ka daawo sawiro ku aadan  hawlgalkani culus.

Salaanmedia/Burco

Kh3

Kh 1Kh 2Kh 4Kh 5

 
Â