Fadeexada dul hoganaysa Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo ay tahay inuu degdeg isku casilo maadam uu shir-jaraaid oo uu qabtay ka been sheegay in dhismaha Gaandhi Library lagu wareejiyey Maxkamada oo dhisme 4 dabaq ah loogu dhisayo

Fadeexada dul hoganaysa Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo ay tahay inuu degdeg isku casilo maadam uu shir-jaraaid oo uu qabtay ka been sheegay in dhismaha Gaandhi Library lagu wareejiyey Maxkamada oo dhisme 4 dabaq ah loogu dhisayo Gudomiyaha Maxkamada Sare Yusuf Ismacil Cali oo shirjaraaid qabtay oo uu ku difaacayey xidhitaanka la xidhay Gaandhi Public Library ayaa sheegay in aanay waxba ja jirin waxyaabaha la qorayo ee sheegay in dhismaha laga iibiyey ganacsade, waxaanu gudoomiyahu ku dooday in iyaga maxkmad ahaan dhulkan lagu wareejiyey oo looga dhisidoono dhisme afar dabaq ah oo ay ka hawlgeidoonan Garsoorayaasha maxkamadaha dalku. Hase yeeshee wax fadeexad ku noqotay ka dib markii saxaafada ay soo gaadhay warqadii uu ninkii laga iibiyey kaga codsanayey Maxkamada gobolka Hargeysa in dadka hantidiisa sharcidarada ku haysta looga saaro. Warqadan oo la qoray 1kii bishii sagaalaad ee sanadkan waxa ku sexeexan Axmed Faarax Xarbi oo ah shaqsiga sida hoos ahaanta ah looga iibiyey hantidan guud ee weliba libraryga qudha ee dalku uu leeyahay ku yaalo. Warqadii oo dhamaystiran halkan hoose ka akhriso. image