Xildhibaan Guurtida Ka Tirsan Oo Sheegay Inaan Golaha Guurtidu Xaq U Lahayn Celintii Xeerka Diiwaangalinta

Xildhibaan Guurtida Ka Tirsan Oo Sheegay Inaan Golaha Guurtidu Xaq U Lahayn Celintii Xeerka Diiwaangalinta

Guurtida ka Mid ah

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo ka tirsan mudanayaasha Guurtida, ayaa sheegay inuu khaldan yahay hanaanka shir gudoonka Guurtidu u hakiyay xeerka diiwaangalinta, isla markaana wuxuu sheegay inay Guurtidu xeerka ka shaqayso kana saarto wixii bulshada iyo dalka ku khaldan.
Xildhibaanku wuxuu sida ka sheegay waraysi uu siiyay Tv-ga Istar “Saddex xeer mooyaane, Xeerka Golahan ka yimaado waxaanu guurti ahaan xaq u leenahay inaanu eegno,wixii markaa ku khaldan ee aanu u aragno inay dadka iyo dalkaba khalad ku tahay inaanu wax ka bedelo ayaanu xaq u leenahay.”ayuu yidhi Dayib Xasan Axmed waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Anigu rayi ahaan xeerkii golaha wakiilada ka yimid inaanu ku celino ilamay ahayn.waxay ahayd inaanu saxno oo wixii ka khaldan hagaajino”.
Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu talo u soo jeediyay Mudanayaasha Wakiilada ee muranku ka dhexeeyo,“Waxaan talo waayeel u jeedin lahaa,maadaama aad tihiin golihii xeer dejinta ee dadku soo doortay waa inaydaan miiska isugu soo fadhiisan.Sida imika loo wado ee miiska la isugu soo fadhiisanayo ee hebel baa sidan yidhi iyo hebel baa sidan yidhi la leeyahay, dadkiina idin daawanayaa ma wanaagsana,dadkana uma wanaagsana,dalkana uma wanaagsana,idinkana idiinma wanaagsana.waad ogtihiin in doorashadii wax yar ka hadhsan yihiin markaa dalku qas iyo qalalaase uma baahna.”