Nuxurka War Murtiyeed Ay Hargeysa Ka Soo Saareen Gudidii Dhalinyarada ahayd ee Ka Shaqaysay Ka Shaqaysay InDib loo Furo Maktabada Gaand

Nuxurka War Murtiyeed Ay Hargeysa Ka Soo Saareen Gudidii Dhalinyarada ahayd ee Ka Shaqaysay Ka Shaqaysay InDib loo Furo Maktabada Gaand

gandi

(salaanmedia.com)-Barbulsheedyada ayey boqollaal dhallinyaro ah oo kal gaddisani dareenkooda ku cabbireen, kuna muujiyeen sida ay uga gadoodeen falka xidhitaanka maktabadda kali ah eek u taallay Caasimadda.

Horraantii toddobaadkan waxa albaabbada loo laabay maktabadda Gaandi eek u taalla Hargeysa. Warar ku lammaanaa baa sheegayey in xarunta ay ku taallo maktabaddu la iibiyey, sidaa daraaddeed maktabadda loo xidhay

Arrintu waxa ay dareen xooggan ka dhex dhalisay dhallinyarada reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaan intii ku xidhnayd eek u adeegan jirtay.
Barbulsheedyada ayey boqollaal dhallinyaro ah oo kal gaddisani dareenkooda ku cabbireen, kuna muujiyeen sida ay uga gadoodeen falka xidhitaanka maktabadda kali ah eek u taallay Caasimadda.
Dhibaatada iyo Cabashada:
Isku darka cabashada iyo doodda aqoonyahanku waxa ay ahaayeen:
– In Gaandi Library tahay maktabadda kali
ah ee k u taal Caasimadda.
– Goob dadka oo dhan ay ka soo gaadhi karto uu ku yaallo
– In meelaha caamka ah ee ummadda iyo mustaqbalka ba aataarta iyo xarumaha danta guud ah ay ka mid tahay.
– In xukuumaddu ardayda/aqoonyahanka wax ay u kordhiso mooyee, aanay dib ugu soo laaban isha kali ah ee ay leeyihiin.
– Iyo in qaar ka mid dhallinyaradu baaq muddaharaad barbulsheedyada kaga baaqeen.

Aragtida guddida iyo xal raadinta:
– Markii aannu aragnay dareenka cabbudhsanaanta guud ahaan aqoonyahanka iyo dhallinyarada, gaar ahaan intii ku adeegan jirtay maktabadda,
– Markii kooxo ka mid ahi muddaharaaddo warbaahinta ka iclaamiyeen,
– Markii aannu aragnay iska war hayn la’aaanta gadoodka ardayda iyo xukuumadda
Annaga isugu jirna; Ururka Qoreyaasha Somaliland, Dalladda Naadiyada Akhriska Somaliland, Dalladda Dhallinyarada SONYO, aqoonyahan iyo hal-abuur madax bannaan, waxaa aannu go’aansannay:
– In aannu abuurno xidhiidh habsan oo dhexmara dhallinyarada iyo xukuumadda.
– In iyada oo aan rabshad la abuurin, faraha laga hadal, si aqoon iyo mudakarnimo ah xukuumadda talada haysa loogala xaajoodo
– In dhallinyarada aannu u sheegno in aannu isxilqaannay oo ay ka fogaadaan qalalaase
– In xukuumadda aannu ku qancinno muhiimadda maktabaddu leedahay, doorka ay kaga jirto koboca aqoonta iyo in ardayda dib loogu soo celiyo.
Jidkii xal raadinta:
Wasaaradda Waxbarashada
Wasaaradda waxbarashadu in ay tahay cidda ugu mudan ee aannu dareenka dhallinyarad gaadhsiin karno ayaannu isku qancinnay. Wasiirka Waxbarashada ayaannu kulan la yeelannay maalintii isniintii 27kii Oktoobar 2014. Si wanaagsan bay noo soo dhawaysay arrintana noo la dareentay. Waxa ay sheegtay in ay arrinta gaadhsiin doonto Madaxwaynaha JSL, dib na noogu soo celin doonto wixii ka soo baxa ee go’aan ah.
Subaxdii xigtay ee bishu ahayd 28 Oktoobar 2014, baannu kulan labaad wasiirka waxbarashada la yeelannay. Noogu na bushaaraysay in madaxwaynuhu bixiyey amar ah in dib loo furo maktabadda. Isla aroortaas kulan baannu la yeelannay taliyaha ciidanka qaranka iyada oo wasiirka waxbarashadu noo suurogalisay. Aannu gaadhsiinnayna dareenka dhallinyarada iyo in keeni karto arrin amniga saamayn ku yeelata. Isaga oo taliyuhu noo sheegay in hawsha furitaanka ee Madaxwaynuhu soo amray fulinteeda uu wado.
Ugu dambayn galinkii hore, ku dhowaad salaaddii duhur ayey wasiirka waxbarashadu timid xarunta Gaandi halkaas oo dib loogu furay. Hawshiisiina dib u bilaabantay.
Mahadnaq:
Uguu horrayn waxa aannu u mahadnaqaynaa Ilaahay, noo fududeeyay hawsha aannu isu xilqaannay.
Annaga oo ah guddida isu-xilqaantay furitaanka maktabaddu, waxa aannu u mahadnaqaynaa dhallinyarada hawsha aannu galnay nagu ixtiraamay, maqlay dalabkayagii ahaa in aan farokahadal la gaadhsiin arrin miiska lagu dhammayn karo.
Waxa aannu u mahadnaqaynaa Madaxwaynaha JSL, Wasiirka waxbarashada, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Taliyaha ciidanka booliska, wasiirka arrimaha dibadda iyo guddoomiyaha xisbiga kulmiye iyo dhammaan ciddii dhiirrigalin, ficil iyo tusaalayn ba kaga qaybqaatay furitaanka maktabadda.
Gunaanad
Maanta oo ay bishu tahay 29 Oktoobar 2014, dib in loo furo ayeynu ku guulaysannay. Ardayda waxa aannu ogaysiinaynaa in maktabaddu furantahay oo ay sidii caadiga ahayd u shaqaynayso.

Liiska guddida dhallinyarada ee hawsha wadday
Mubaarig Ismaacii Taani, Dallada dhallinyarada SONYO
Saddaam Xuseen Carab, Ururka Qoraaga Somaliland
Hoodo-Ayaan Suldaan Aadan, Xarunta M.Mooge
Mukhtaar Sheekh Maxamuud, Aqoonyahan
Yaasmiin Maxamed Kaahin, Hal-abuur
Xamda Maxamed Xuseen, Qoraa
Barkhad Maxamuud Kaariye, Suxufi ahna Qoraa
Axmed-Nasri Daahir Xuseen, Dalladda Naadiyada Akhriska
Cabdishakuur Raage, Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Hal-qor
Mahdi Sheekh, Naadiga Akhriska ee Timacadde
Ibraahin Sheekh Axmed, Aqoonyahan