La Yaab: Tababare Ciyaartooyga Madawga Ah Kooxdiisa Uga Mamnuucay Cudurka Ebola

La Yaab: Tababare Ciyaartooyga Madawga Ah Kooxdiisa Uga Mamnuucay Cudurka Ebola

Epola 3

Dunida waxa aad looga hadal hayaa isla markaana saamayn xoogan ku yeeshay isu socodkii cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Kumaanaan ka mid ah dadyoowga ku dhaqan Galbeedka Afrika ayaa u dhintay cudurkan, halka tiro kalena ay la daala dhacayaan
Dhacdadii ugu xiisaha badnayd todobaadkan ayaa ahayd ka dib markii Tababaraha kooxda Horyaalka Ruushka ee FC Rostov oo lagu magacaabo Igor Gamula uu warbaainta dalkaasi u sheegay in aanu soo iibsan doonin ciyaartooyga Madawga baqo uu ka qabo cudurka Ebola

Tababare

Mar la waydiiyay bal in uu soo iibsanayo ciyaaryahan Benoit Angbwa oo ah difaac dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Cameroon ayaa waxa uu yidhi “Waa Nagu Filan Yihiin ciyaaryahanada Madawga ahi, waxaana hadda nala jooga Lix ciyaaryahan” ayuu yidhi.
Wuu sii watay hadalkiisa waxaanu yidhi “Heshiis waan la geli lahaaye waxa aan aad uga war-warayaa Cudurka Ebola-hooda” ayuu yidhi.
Hadalkan ayaa in kasta oo aanu ka dabo imanin, laba waji yeelan kara kuwaas oo kala ah in ay ka dhab tahay iyo in uu kaftamayo.