Manchester United Oo Kooxda Man United Iilka Le’ekaysiiisay, Cadhada Van Gaal, Rayn-raynta Manuel Pellegrini iyo Kaalmaha Ay Kala Shaqaysteen Labada Kooxood (Sawiro)

Manchester United Oo Kooxda Man United Iilka Le’ekaysiiisay, Cadhada Van Gaal, Rayn-raynta Manuel Pellegrini iyo Kaalmaha Ay Kala Shaqaysteen Labada Kooxood (Sawiro)

Man 14

Kooxda Manchester City ayaa caawa laba is le’eg u kala goysay dhigeeda Manchester United ka dib markii ay iskaga hor yimaadeen ciyaar aad u xiiso badan

Ciyaarta oo ka dhacday Garoonka kooxda City ayaa qaybtii hore lagu kala nastay barbaro 0-0 ah

Man Unit

Ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay isla markaana labada kooxoodba ay la soo tashadeen tababareyaashoodii ayay daqiiqadii 63-aad kooxda City jiibta iyo jaanta isla heleen, waxaana u suurtogashay in ay la yimaadaan goolkoodii koowaad, kaas oo uu si qurux badan shabaga ugu hubsaday ciyaaryahan Sergio Aguero.

Man 15

Natiijada ciyaarta ayaa noqotay mid ay kooxda City ku hogaaminayso 1-0, waxaana

Man 13

ay labada kooxoodba tahli waayeen in ay goolal kale iska dhaliyaan, sidaas ayaanay ciyaartu ku soo dhamaatay.

Man 12

Ciyaaryahan Chris Smalling ayaa kaadhka cas loo taagay, ka dib markii uu laba khalad galay halka ciyaaryahan Daley Blind isna kaadh digniin ah la siiyay

Man 10

Dhinaca kooxda City ciyaaryahanada kala ah Martin Demichelis, Pablo Zabaleta iyo Fernando ayaa looga taagay kaadhka huruuda ah, waxaanay kooxda City dib ugu soo laabatay kala saraynta iyo waliba tartanka horyaalka dalka Ingiriiska, waxaanay ku jirtaa kaalinta 3-aad waxaanay haysataa 20 dhibcood, halka kooxda Manchester United ay dib ugu ruqaansatay kursigeedii halka hoose uga yaalay horyaalka dalka Ingiriiska iyada oo ku dhacday Kaalinta 9-aad, waxaanay uruursatay dhibco gaadhaya 13 keli ah

Man 9

Man 8

Man 7

Man 6

Man 4

Man 3

Man 2

Man 1