Wasiiraddi Caanka Ku Ahaa Khilaafka Xisbiga Kulmiye Oo Berri Ku Dhawaaqaaya Inay Ka Dhex-sharaxan Yihiin Xisbiga Kulmiye + Madaxweyne siilaanyana sheegay inuu tanaasuley + Muuse Bixii…

unnamed-33-300x156

Qaarka Mid Ah Wasiiraddi Caanka Ku Ahaa Khilaafka Xisbul Xaakimka Kulmiye Oo Maalinta Berri Ah Ku Dhawaaqaaya Inay Ka Dhex-sharaxan Yihiin Xisbiga Talladda Hayaa Ee Kulmiye,madaxweyne siilaanyana sheegay inuu tanaasuley + Muuse Bixii oo Sheegay Inuu Madaxwweynuhuu U Sharaxan Yahay Xisbigooda Xaalada Oo Cirka isku Sii Shareeri Doonta.
unnamed (3)Xubnihii caanka ku ahaa inay shaqo ka dhigtaan khilaafka xisbul xaakimka Kulmiye ,ayaa maalinta Berri ah ku dhawaaqi doona inay yihiin musharaxiinta madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye .wasiiraddan ayaa kala ah wasiirka maaliyadda Somaliland cabdi casiis sammaale,maxamed Bixii Yoonis. Waxaana magaaladda Hargeisa, laga dhex-dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhex- curtay xisbul xaakimka Kulmiye kuwaaso noqon doona mid sii jahawareeriyaa xaaladda xisbiga Kulmiye ee Hadaba u muuqata mid aan caggo adag-ku taagneyn iyo mugdi soo food saaray siyaasiyiin lahaa han madaxweyne nimo .
Wasiirka maaliyadda ayaa la sheegay inuu soo kireystay Crown Hutel Hool ku yaalla, oo la sheegay in lagu qaban doono,xaflad la doonaayo in lagu shaacin doono inuu wasiirka arrimaha dibedda Somaliland mudane ,maxamed Bixii Yoonis , yahay musharax xisbiga Kulmiye ee madaxweynanimo ee doorashadda Somaliland 2015 la filaayo inay ka dhacdo.
Cabdi casiis samaale ayaa la sheegay inuu lahaa dhiiri Gelinta wasiirka arrimaha dibeda Somaliland ee ah inuu isaa-soo sharaaxo,iyaddoonu madaxweyne siilaanyo wali ku dhawaaqin inuu ka hadhay doorashadda, sida ay wararku tibaaxayaan inuu jiro shaki laga qaabo inuu madaxweyne siilaanyo Tushuush kagaaga Furan yahay inuu haddi uu mar labaad Gallo Tar-tanka doorashadda la filaayo inay dalka ka dhacdo sannadka danbe uu Guul dareysto .
Arrimahaas oo lo aaneynaayo Kalsooni yari ,madaxweynaha ka haysata taageeradda shacabka ay wasiiradani kasoo jeedaan,sidaa magaaladda Gabiley iyo nawaaxiga caasimadda.
Wasiirka maaliyadda Somaliland cabdi casiis samaale,ayaa la oggaa kaalintii u ku lahaa ,khilaafka xisbiga Kulmiye ee mudaada dheer soo jiitamaayeey,iyaado u marar badan u dib u dhacay shirkii Gollaha dhexe ee xisbul xaakimka Kulmiye,samaale ayaa hadii uu madaxweyne siilaanyo aanu wali ka tanaasulin hankiisi ahaa inuu ka qayb gallo doorashadda danbe ay noqoneysaa talaabo madaxweynaha iyo wasiirkan kala ir-dheysaa. Waxaana la ogaa dagaalkii siyaasadeed ee hore u dhex-maray madaxweynaha Somaliland,mudane siilaanyo iyo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye muuse bixii cabdi oo u wasiirka maaliyaddu qayb ka ahaa.
Muuse Bixii ayaa xalay mar uu warbaahinta la hadlay sheegay inuu xisbigooda u sharaxan yahay,madaxweynaha qaranka Somaliland axmed siilaanyo.xoggaha aanu heleyno waxay sheegen inay talaabad wasiiraddu noqon doonta mid circa sii gelisaa rajadda siilaanyo ka qabbo tartan danbe oo u soo hor jog-saddo shacabkii markii hore soo doortay.
Waxaan iyaana laga war hayn haddi uu madaxweynuhuu kula socon qorshahan wasiiradiisa uu magacaabay,oo ay arrintoodu noqoto mid damaacinimo ah,talaabada uu ka qaadi doono.
Qore
Cabdi casiis Bashiir Nuur
info@xogreebnews.com
Tel: 4144434