Qaaradda Amerika Waxaa Helay Muslimiin

Qaaradda Amerika Waxaa Helay Muslimiin

Recep_Tayyip

Madaxwaynaha dawladda dalka Turkiga Raccep Tayyip Ertogan ayaa shaaciyay in Qaaradda America ay qarnigii 12-aad heleen muslimiin, saddex qarni ka hor inta aanu Christopher Columbus soo caga dhigan America.
“Xidhiidhkii ka dhexeeyay Latin America iyo Muslimiinta, waxay dib ugu laabanaysaa qarnigii 12-aad. Muslimiintu waxa ay heleen Amerika sannadkii 1178, laakiin ma ahayn Christopher Columbus qofkii ugu horeeyay ee arkay ama helay Amerika” Ayuu Madaxweyne Ertogan oo ka hadlayay kulan ay muslimiinta Latin Amerika isugu yimaadeen Istanbul.
“Badmaaxiyiin Muslimiin ah ayaa waxa ay yimaadeen Amerika sannadkii 1178, Christopher Columbus isaga qudhiisa waxaa uu soo wariyay in uu jiray Masaajid ku yaalay buur ku taala xeebta Kuuba. Balse ayaa dawladu qorshaynayso in ay dhisto Masaajidkaa”
Inta badan Buugaata taariikhda ayaa sheega in Columbus uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee cagta saara qaaradda America sannadkii 1492, isaga oo raadinaya wado route ah oo uu u maro Hindiya.
Maqaal uu sannadkii 1996-dii uu daabacay taariikhyan Yuusuf Mrouh ayaa tixraacay war uu Colombus soo wariyay oo ahaa jiritaanka Masaajid ku yaalay Kuuba.