Ciidanka Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Idaacaddii FM-ta Ahayd Ee laga Dhagaysan Jiray Gudaha Magaalada Hargaysa

Ciidanka Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Idaacaddii FM-ta Ahayd Ee laga Dhagaysan Jiray Gudaha Magaalada Hargaysa

Idaacad

Hargaysa(Salaanmedia.com):-Waxa goor-dhawayd ay Ciiddamada Booliska Caasimadda Hargaysa,ay gacanta ku dhigeen Idaacad fm ah oo habeenkii abaaro Toddobada fiidnimo ilaa kow tobanka habeenimo ku jiri jirtay, taasoo si fiican looga dhagaysan jirey Magaalada gudaheeda.

Idaacadan oo ay Ciiddamada Booliska iyo Kuwa Sirdoonka ahi ay baadi-goobkeeda ku jireen, isla markaan ay helideeda ku jaha-wareerreen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa goor-dhawayd laga qabtay Xaafada Oktoobar ee degmada Axmed Dhagax.
Ma jiro war rasmiya oo intaas ka faah-faahsan, hase yeeshee Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Mr Fooxle oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay, ayaanu wax ka waydiinay bal

inuu war naga siiyo Idaacada FM-ta ah ee ay gacanta ku dhigeen, balse wuu ka gaabsaday, waxaanu iskaga riixay hogaanadda ka sii hooseeya ee Ciidanka Booliska.
Warku waxa uu intaas ku daray in Idaacaddii iyo Saddex nin oo la sheegay in lagu qabtay-ba lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Caasimadda Hargaysa, hase ahaatee wixii macluumaad ah ee ka soo kordha waanu idinla soo socod-siin doonaa haddii rabbi idmo.

Salaanmedia/Hargaysa