MD. CABDICASIIS SICIID AYAANLE XADHIGGIISU WAXUU MUUJINAYAA MILGO LA’AANTA GOLIHII QARANKA UGU MUDNAA, EE BAARLAMAANKA SOMALILAND.

MD. CABDICASIIS SICIID AYAANLE XADHIGGIISU WAXUU MUUJINAYAA MILGO LA’AANTA GOLIHII QARANKA UGU MUDNAA, EE BAARLAMAANKA SOMALILAND.

 samaale-300x224

Adduunka lama arag masuul weliba ah masuulka qaranka meesha u saraysa xoghayaheeda guud, in habeen badh ay guirigiisa ugu dhacaan baando hub sidata, oo madaxtooyada laga soo diray, oo dooc iyo dareen, la waayay cid shu’aysata masiibada qaradaa leh ee dhacday.

 

Waa wax aad ku qiimayn karto inaan qaran qumman oo maamuus iyo kala dambayn lihii aanu meesha ka muuqan. Waa wax aad ku qiimayn karto budhcad isu baxday, oo cidnaba aan qiimaynaynin, iyagu lafahooda ceeb damaqda arkaynin, xishoodkii iyo dadnimadii dibadda uga baxday, oo sida yayda waxii ay afka la gaadho hambaynaynin.

 

Ma odhan karno qaranimadii somaliland waa lagu diirsaday, intii Madaxweyne Siiraanyo waxay noqotay, in dastuurkii iyo kala dambayntii god madaw ku dhacdo. In garashadii iyo masuuliyaddii uu ku beddelo ceeb iyo dadnimo xumo. In malaha qaranimadii noqotay nimaan geyin masuuliyad dusha laga saaro sidii kabaddii. Waxay noqotay in lagu faano garaad aan kugu jirin, raganimo aan kugu jirin, cilmi aan kugu jirin.

 

Waxay noqotay in dadka qaarkii ku faanaan kaare ayaa keliday i jiidhay, haddana laf iyo jiidh meel wax iga gaadheen garan maayo. Waa waxyaabaha aadka u yaabka badan, ee sheegasho waxaadan gelin iyo tookhu gaadhay.

Waa qaran aynu had iyo jeer maqallo hadalo aan caqliga fayaw ka daadagaynin, kollayba dad garaadkoodu durugsanaynina u bogaan. Marka la yidhaa Ciidamada RRUda, waa aafada baryahan dadka dhagahooda ka badataye, meel ayay qabsadeen, ama cid ayay guriisa ugu dhaceen, ama dad ayay rasaaseeyeen, oo dad badan may layne, hal iyo laba qof ayaa naf baxday.

 

Waa ayaandarrada qaranka haysata, in aanay shiddoba ku haynin Siiraanyo ruuxa ay dilayaan, baandada fallaagada ah, ee uu ku tilmaamay ciidamada sabatabixinta qaranka, ee RRUda. Malaha uma haysto ruuxa ay fallaagada ruqsadda uu u soo siiyay inay ruux qarankiisa dhex jooga xabbad ula badheedhaan, ay jiraan ehel uu qofkaasi dhintay wax kasta uga qiime badnaa.

 

Ma garan karno garaadka siiraanyo qiimaha uu siinayo dhacdadaa, iyo inta ay saamayso, xanuunka ay ku reebayso. Waa ayaan darro inuu eedeeyo ruuxa ay xabbadda dishay ugu timi dukaankeeda hortiisa, ee dhagarqabihii qoriga sitay, ku garhelay inaanu dembi gaysan.

 

Maanta in hoghayahii golaha baarlamaanku u xidhnaado Xirsi cali (jaah_bakayle), iyo adhiraacii Cali mareexaan, oo Hargaysa laga waayo, wax yidhaa sharciga ha lagu dhaqmo. Waa ayaan darro in golaha baarlamaanku baryootamo in xoghayahooda, oon loo keenin caddayn, inuu dembi falay, baarlamanku ka warhaynin, cid xilkiisii lagu wareejin si kumeel gaadha, oo baarlamanku guddoonsaday.

 

Waa ceeb saaran hay’adda garsoorka, iyo ninka lagu guure ee Ina warancadde (cirro baaqsatay). Waa ceeb haysata golaha guurtida ee iska indha tiraya in xoghayaha baarlamanka fallaago loosoo diro, ee aan dib la isu weyddiin waxa keenay in hay’ad dhan oo qaranku kutaaganyahay masuulkii xafiiska hayay, layska xidho, oo xoog iyo jujuub lagu kaxaysto, sharcina aan haba yaraatee laysula baydhin.

 

Waa ayaandarro siiraanyo kow ka yahay, haddaanu isagu u arkaynin xukuumadda uu madaxda ka yahay, hayadaheeda ugu sareeya, in masuulkooda ay xidhaan niman uu weliba isagu ku garabtaagan yahay, oo uu ka mid yahay baandada xoogga qaranka maroorsatay, ee sharciga ku tumanaysa, ee aan ogayn foolxumada ay keenayso waxay samaynayaan.

 

Qaranku malaha sharci iyo dastuur muwaadinka xuquuqdiisa ilaalinaya, oo waxaa dalka xukuma madaxweyne cudurka maskaxda lumiyaa hayo, oo aan garaysan, qaarna ay dantooda awgeed, ugu hayaan kursiga, oo dhoodhoobayaan, si aan dantoodu meesha uga bixin, oo ku cimridheeraysanaya.

Xoghayaha baarlamanka waynu arkaynaa, inaan xuquuqdiisa, iyo xuquuqda masuuliyaddii uu hayay aan midna qiimahooda la siinin, oo meel lagaga dhacay milgadii uu hiwanayaa, madaxweynaha dalkuna yahay ninkaa dhaawacan, ee aan dawo loo oggolayn, si aan boogtiisa loo arag. Isagayse dambarsan, oo ha huursanaado.

 

 

Qaranku baaddil ayuu ku xidhay xoghayaha baarlamaanka, cidda se sharci darrada lagu xidhay dedaafayn kartaa waa reerkiisa, iyagaana xaqiisa soo celinkara, saa qarankii dulmiguu koow ka noqdaye.

Cabdicasiis Siciid Ayaanle, waxaa ilaahay baday, waa tolkii, mar haddii qaranku qawlaysato dhiigga cabba ay noqotay, oo caddaaladdii la waayay.

 

May ahayn maanta in reer la magansado, waxaase keenay, waa dhibka siiraanyo dalka ku hayo, oo ruux caddaalad haystaa reer ma magansadeen, waxayse noqotay, haddii dayaxa la waayo xiddigaha ayaa lagu guuraa… xiddiguhu iftiin malaha waase maaran waa waxa loo miciinsadaa.

Somaliland Eebahay kaska siiraanyo haka nabadgeliyo.

 

Eng. Youssuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London U. K.