War Deg Deg : Dablay Hubaysan oo Toogasho ku Dilay Wariyihii Television-ka Horn Cable Ee Magaalada Gaalkacayo……

Warar Hadda Nagasoo Gaadhay Magaalada Gaalkacayo ayaa Sheegaya in Halkaasi lagu Dilay Wariyihii Television-ka Horn Cable Ee Magaalada Gaalkacayo Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver). Dilka wariye Cabdirisaaq waxaa uu ka dhacay meel u dhaw jaamacadda Post University oo ku taala Waqooyiga Magaalada Kaalkacayo isagoo Markaasi kasoo baxay hawlihiisa Shaqo. Alle Ha Unaxariistee Wariye Silver Waxaa dilay Dablay Aan Haybtooda la Aqoon, oo Dad badan oo Wariyeyaal iyo muhiimka Bulshada ah hore ugu Dilay Magaalada Gaalkacayo.c kuwaasi oo aanay jirin Cid gacanta ku dhigtay weli.