“Ninkii U Hanweyn Hogaanka Dalkow , Hankaagu Ha Dhaafo Reer Hebel”Wasiir Xirsi

“Ninkii U Hanweyn Hogaanka Dalkow , Hankaagu Ha Dhaafo Reer Hebel”Wasiir Xirsi

Hargeysa(SM)November-18-2014-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Qoraal uu Boggiisa Internet-ka u baahiyay kaga dareen celiyay socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo mudo dheer ka dib ku dhex maray Degaanka Axmed Dhagax iyo Jidka Hargeysa iyo Baligubadle isku xidha.Wasiir Xirsi waxa uu ku tilmaamay subax Iftiin iyo jawi gaar ah lahayd, waxaanu ka mahadceliyay qaabkii loo qaabilay.

Waxa uu Wasir Xirsi hadalkiisu u dhignaa sidan “Jawigii saaka ayaa ku bilowday wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo socdaal shaqo uugu baxay degmada Balli-gubadle.

Socdaalka Madaxweynaha ayaan ku wehelinaynay tiro kamida Golahiisa Wasiirada, xildhibaanada golayaasha sharci dejinta iyo Guurtida iyo Madaxdhaqmadeeyo tiro badan
Ujeedada socdaalka ayaa ahaa sidii xadhiga looga soo jari lahaa 5km oo bilow u noqon doonta waddada isku xidhaysa Balli-gubadle iyo Hargeysa.

Waxay ahayd subax iftiin badan oo dareen gaar ah lahayd , waxay ahayd subax horumar iyo horusocod badan qarankeena u soo kordhay

Waxaa soo dhawayn iyo sabootin-ba isku daray shacabka gobta ah ee maanta martida loo ahaa isla markaana waftiga ku qaabilay qalbi furan iyo laab xaadhaan.

Waxaa hubaal ah in sidii aynu shalay jidkan u bilownay ayeynu u dhamaystiri doono Insha Allahu, hadii aynu Caqliga, Cilmiga iyo Cuudkaba meel isugu gayno isla markaana aamino in aynu biyaha sacabadeena oo kaliya kaga dhargi karno.

Sida aynu ognahay jidadku waxay door wayn ka qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo Amaanka waxaanay wax badan ka taraaan isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Hadaba , bilowga jidka isku xidhi doonaa Balli-gubadle iyo Hargeysa wuxuu muhiimad weyn uugu fadhiya qaranka Somaliland iyo dadkiisaba waana degmo xasuus iyo taariikh badan ku leh dalkan, ka xukuumad ahaana taageero buuxda ayaanu ka gaysan doonaa Insha Allah.

Ugu dambayn waxaan kula dardaarmi lahaa Cid walba oo qarankan xil ka rabta ama doonaysa in ay xasuus xiiso badan quluubta dadka ku reebto “Ninkii u Hanweyn Hogaanka Dalkow , Hankaagu ha Dhaafo reer Hebel” ,,,,, odhaahdii Abwaan Xassan

Wa Bilaahi Tawfiiq.