Suldaan Samatar waa looga hanweynaa in uu xaqa iyo runta sheegi waayo by Abdi Mustafe

MAQAAL
Suladan Samatar qudbadiisii kamuu run sheegin. Suldaanku inuu xaqa sheego ayey ahayd ee inuu is indha tiro mey heyn. Suldaan Samatar mar qudha soomoo hadal qaadin in 9 xildhibaan oo ay Awdal ka soo wada jeedaan markay u adkeysan waayeen wixii dulmi golaha wakiilada ka socday in ay uuga dareereen. 9 kaa xildhibaan waxa reer Somaliland oo dhami qirayaan inay dalka bad baadiyeen oo ka bad baadiyeen inqilaabkii Silaanyo golaha wakiilada kula wareegi lahaa si mudada uu doono uu u korodhsado. 9 kaa xildhibaan ee reer Awdal baal dahaba ayaa ka taagan taariikhdana waxay ku galeen bad baadada Somaliland oo weliba inshaallaahu skuuladana waa lagu dhigan taariikhda ay dhigeen.
Hadaba Suldan Samatar muxuu ka hadlayaa? Wuxuu canaan dusha ka saaray xisbiyada mucaaradka ah siiba xisbiga Waddani ee xukuumadu shir qoolka u dhigtay. Kamuu hadal 500 oo askari ee Hargiesa la dhex dhigay ee ardeyday skuulada tegi kari waayeen. Suldaanku siloonaa ma madaxtooyada ayaa soo sumeysay. Suldaanka waxaan leeyey maanta reer Awdal magac bay ka heleen badbaadada dalka ee adigu xageed wax u wadaa mise waxaad ka hinaastey xildhibaanada amaantooda buug qaadaba la waayay. Runtii aad baa Suldaan Samatar loogu hanweyna hase yeeshee wuxuu u eegey in xukuumadu gacanta maroojisay. Waxaan kaga baxayaa Suldan Samatar dib ha isu dhegysto oo ha isa saxo. Suldanow hinasahana iska daa dowladana ka fogow hadaad sharaf doonayso oo markaad hadashana xaqa sheeg sidaa ayaad if iyo aakhiraba ku amaan heleysaa.