Labo nin oo Soomaali ah oo xalay lagu dilay dalka South Afrika

timthumb

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya dalka South Afrika labo muwaadin oo Soomaali ah ayaa lagu dilay Magaalada Eastern Cape ee dalkaasi South Afrika.

Dilka labadaan muwaadin ee Soomaaliga ah ayaa wuxuu ka dambeeyay ,kadib markii kooxo hubaysan oo Burcad South Afrikaan ah ay weerar ku qaadeen goobo ganacsi oo ay lahaayeen dadkaasi Soomaalida ah.

Markii kooxaha Burcad South Afrikaanka ah ay weerareen goobahaasi ganacsiga Soomaalida ay leeyihiin, ayaa waxa ay halkaasi ku dileen labo muwaadin oo Soomaaliyeed, iyaga oo halkaasi ka geystay Bililiqo ay kula kaceen agabkii yaalay dukaamada.

Labada Marxuum ee Soomaalida ah ee xalay lagu dilay dalka South Afrika, ayaa waxaa magacyadooda lagu soo koobay Yaasiin iyo Siciid, waxa ayna kamid ahaayeen Soomaalida ganacsiga halkaasi ku leh.

Burcada South Afrikaanka, ayaa dilka iyo boobka ay geysteen kadib waxa ay si nabadgelyo ah uga baxsadeen goobtaasi, mana aysan suuragelin in Booliiska ay gacanta ku dhigaan ragaasi.

Dhawaan ayeey aheyd markii nin ganacsade Soomaali ah lagu dilay dalka South Afrika, kadibna laga kaxeystay gaari uu lahaa oo xilliga la dilaaye uu iska iibinaayay.

Dilalka qorsheysan ee Soomaalida loogu geysanaayo dalka South Afrika ayaa kusoo badanaya Magaalooyinka dalkaasi, Booliiskana waxa ay sheegayaan inay sameynayaan baaritaano kaliya aan natiijo laheyn.

Salaanmedia/Moqdisho