Daawo Sawirada: Wariye C/rizaaq Cali Cabdi Silver oo Magaalada Gaalkacyo lagu aasay

Allaha Unaxariistee waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug lagu aasay,Wariye C/rizaaq Cali Cabdi Silver oo xalay kooxo hubaysan ay ku dileen magaalada Gaalkacyo.

3

Aaska Wariye ayaa waxaa ka qaybgalay dadweyne kala duwan, bahda Saxaafada Magaalada Gaalkacyo iyo Ehelada Marxuumka oo dhamaantood ay ka muuqatay sida ay kaga xun yihiin falka dilka ah ee loo geystay Marxuum C/risaaq Cali Cabdi Silver.

Wariyeyaasha Aaska kasoo qaybgalay ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Wariye Silver, waxaana laamaha ammaanka Magaalada Gaalkacyo ay ka dalbadeen in gacanta lagu soo dhigo dhagarqabayaashii ka dambeeyay dilka Wariyaha.

Ehelada Wariyaha ayaa waxa ay taliska Booliiska iyo laamaha kale ee amniga ku shaqada leh ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno cidii ka dambeysay dilka wiilkooda loo geystay.

Allaha unaxariistee Marxuum Wariye C/risaaq Cali Cabdi (Silver), ayaa xalay lagu dilay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, xilli uu fadhiyay maqaaxi shaaha laga cabo.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan cidii ka dambeysay dilka loo geystay Wariyaha, ayna ku dadaali doonaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dhagarqabayaasha dilka geystay.

1

2

 

4

5

6

7

9

10

11

16

17

18

17

20