Xukuumada Siilaanyo Oo Sas Ka Qaaday Masuuliyiin Miisaan Culus Leh Oo Ku Soo Jeeda Xisbiga WADDANI

Xukuumada Siilaanyo Oo Sas Ka Qaaday Masuuliyiin Miisaan Culus Leh Oo Ku Soo Jeeda Xisbiga WADDANI

DUUR IYO POOBE

Hargeysa, (Salaanmedia.coml):-Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa Sas iyo Maroora dilaac ka qaaday Siyaasiyiin Miisaan Culus ku leh bulshada, kuwaas oo hore uga tirsanaa Xukuumada Kulmiye.

Masuuliyiintan oo bilihii u dambeeyay Shirar gaar-gaar ah ku lahaa Caasimada Hargeysa ayaa waxa maalintii shalay, waxa Qaddo sharaf u sameeyay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Xamarji

Masuuliyiintan ayaa hore Xilal uga soo Qabtay Xukuumada Siilaanyo waxaana ka mid ah Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi, Wasiirkii hore ee Arimaha Guddaha Duur, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Boobe, Agaasimihii hore ee Dib u dajinta iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolada Maroodijeex iyo Togdheer Xamarje.

Dhanka kale Xukuumada Siilaanyo ayaa Sas ka qaaday masuuliyiintan miisan ka culus leh iyadoo loo badinayo inay ku biiraan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, waxaana Hubaal ah in Haddii ay Masuuliyiintani ku biiraan Xisbiga Waddani, ay noqonayso Guul balaadhan oo u soo hoyatay Xisbiga Waddani.