“Gudoomiye Cirro Ha Kala Saaro Shaqadda Xisbigiisa Iyo Golaha Shacbigu Soo Doortay”Cabdi Mingiste

MingisteHargaysa (SM): Cabdi Maxamuud Saleebaan (Mingiste) oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in guddoomiyaha golaha wakiiladda C/raxmaan Cirro uu isku Milan ku sameeyay shaqadii ay shacabku u doorteen iyo shaqada xisbigiisa Waddani ee uu guddoomiyaha ka yahay.

waxaanu tilmaamay in labadda xil ee kala ah guddoomiyaha golaha wakiilada iyo ta xisbiga Waddani ee uu C/raxmaan Cirro isku koobay ay jaho wareer ku hayso bulshadda, isla markaana ay muuqato in golihii umaddu soo dooratay ee Wakiiladu uu isku bedelay xafiiskii xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

siyaasi Cabdi Maxamuud Saleebaan (Mingiste), oo shalay u waramy Dawan, Waxa uu xusay in haddii ay cidi shaqo uga baahato C/raxmaan Cirro marna loogu tago xafiiska golaha wakiiladda marna xafiiska xisbigiisa Waddani. Waxaana uu sheegay inay muhiim tahay in C/raxmaan Cirro kala saaro golaha iyo shacbigu soo doorteen iyo ta xisbigiisa.

Cabdi Mingiste, ayaa Sidoo kale waxa uu tacsi u diray eheladda dadkii ku dhintay mudaharaadyadii sababtii todobaadkani dhacay, kuwii ku dhaawacmayna uu illahay caafimaad siiyo.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Marka hore waxaan tacsi u dirayaa eheladda dadkii mudaharaadka shalay ku dhintay in uu Samir iyo iimaan ka siiyo, kuwi mudaharaadkaasi ku dhaawacmayna in uu illaahay caafimaad siiyo. Waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrin ay bulshadu aad ula yaaban tahay, taasi oo ah Guddoomiyaha golaha Wakiiladu waa guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani, gudoomiyaha golaha Wakiiladuna waa gudoomiyahaasi, markaa waxaa lala yaaban yahay, Isku milanka Cirro ee shaqadii golaha iyo tii xisbigiisa ayaa ah mid ay bulshadu aad ula yaaban tahay. Markaa Golihii Wakiiladu ma wuxuu isku bedelay xafiiskii xisbiga Waddani.

Gudoomiye Cirro mar waxa uu fadhiistaa xafiiska golaha wakiialda, marna waxa uu fadhiistaa xafiiska xisgiga Waddani. Cida shao uga baahata guddoomiye Cirro mar waxay ugu tagan xafiiska xisbiga Waddani marna xarunta golaha wakiiladda, taasi oo keentay jaho-wareer la kala garan waayo xisbigii iyo golihii wakiilada ee shacbigu soo doortay.”

Waxa kale uu tilmaamay Mingiste in muranka ka dhex jira jira baarlamaanka uu yahay mid u gaar ah kuna kooban golahaasi, isla markaana aanay jirin sabab ay xukuumadu ugu lug leedahay. Xukuumadda iyo golaha Wakiiladuna ay yihiin laba hay’adood oo kala madax-banaan.

“Waxa kale oo iyadna jirta Afhayeenka xisbiga wadani waa xildhibaan golaha wakiiladda ka tirsan. Dadka u ololeeya C/raxmaan Cirro waa xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladda. Markaa Waxaa muhiim ah in xisbiga iyo golahan shacbigu soo doortay la kala saaro, c/raxmaan Cirrana waxaan kula talin lahaa in uu noqdo guddoomiyaha golaha wakiilada ama guddoomiyaha xisbiga Waddani, waa in uu labadasi kala doortaa. Waxaanan anigu qabaa in goaha wakiiladu In uu yahay mid ay soo doorteen shaciga reer Somaliland muddo shan sano ah, laakiin may dooran in uu iska fadhiyo muddo toban sanadood ah. Mida kale golaha wakiiladu waa rukun ka mid ah rukumadda dawlad-nimadu ku taagan tahay, ee ma aha rukun ka mid ah xisbiyadda mucaaridka ah. Wixii golaha ka dhacay maalintii dhawayd waxay gaar u ahaayeen golaha wakiiladda ee shaqo kuma ay lahayn xukuumadu” ayuu yidhi Cabdi Saleebaan.

Siyaasi Mingiste ayaa sheegay in mudaharaadyadii dhawaan ka dhacay Burco iyo Ceerigaabo iyo Hargaysa ay soo abaabuleen rag ku jira xisbiga Waddani iyo xubno siyaasiyiin ah oo hore xilal xukuumadan ka soo qabtay hase yeeshee xilalkoodii gudan kari waayeen laga eryay, kuwaasi oo doorbiday inay aflagaado iyo mucaaridnimo raqiis ah suuqyada la wareegaan.

Waxaanu yidhi “Ma garanyo dadkii mudaharaaday sababta ku kaliftay, ma waxay u mudaharaadeen gudoomiyaha Waddani mise waxay u mudaharaadeen gudoomiyaha goaha wakiiladda. Ayaa soo abaabulay mudaharaadkii maalintii dhawayd dhacay, Cida abaabulaysay mudaharaadkaasi waxaan u arkaa in ay ahaayeen rag siyaasiyiin ah horena xilal u hayn jiray, xukuumadan hada jirtana xilal ka soo qabtay, hase yeeshee markii ay gudan kari waayeen shaqadii loo igmaday xilka laga aaday. Waxaanay ka door-bideen in ay af-lagaado iyo mucaaridnimo raqiis ah suuqa la taagnaadaan.”

Dhinaca kale Siyaasi Mingiste ayaa ugu dambayntii waxa uu baaq u diray shacabka ku nool magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo uu sheegay in aanay jirin sabab ay ugu mudaharaadaan ama ay uga soo hor jeedsadaan xukuumadda taladda haysa, isagoo tilmaamay in xukuumadda Kulmiye ay si gaar ah wax ugu qabatay bulshadda ku dhaqan labadaasi magaallo.

Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ugu danbayn magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo maalintii dhawayd ay mudaharaadyo ka dhaceen waxaan u sheegayaa bulshadda ku dhaqan xukuumadan hada jirta inta ay u qabatay, xukuumadihii hore uma ay qaban.Tusaale fiicana waxaa u ah labadaasi magaallo oo ay xukuumadani intii ay jirtay lacagta ka bedeshay iyo labadda waddo ee ay midna isku xidhayso Burco iyo Ceerigaabo iyo ta Burco iyo Oodwayne oo hada ay shaqadoodii socoto.”

 

Cabdi Maxamuud Saleebaan (Mingiste)