Ogaal: Murtidii Caraale Waddani

Ogaal: Murtidii Caraale Waddani

MR-WADDANI

Ninkii Islaantiisu legeday waxa laga hayaa, waar ilayn xaawalay kaa adkaatay kaama kacdo. horta inan raggoow xaaskaaga oo sababtaada xun noqda waa laga ducaystaaye, taa hala ogaado. midda kale, xildhibaanada reer awdal iyo Sellel ee danta isu xilqaamay waxaan leeyahay, hambalyo, wanaagu hadba waa qofkii Alle garansiiyo, waajibkiinii baa gudateen. Madaxweynahana waxaan leeyahay, carab dalab leh, addin dalab leh laga garan og, wixii dhacayna dumadaada weeye oo adigaa umadda taladeeda hogaan u ah, balaayo aad ka hortageedii diidayna, kadaba hadalkeedu waxba ma kordhiyo. Cirrona waxaan leeyahay, isku dhejinta kursigan, waxa kuu dhaama adoo xisbigaaga u go,a. Baashaha ku xigeenka ahna waxaan leeyahay, qas baad doonaysay ee kursi maad doonayn. Saleebaan Bukhaariga la yidhi, ku xigeen buu doonayayna, waxaan leeyahay, Bukhaari waa magac amrane, Bakhaar baan kuugu bedelay. Muuse Biixina waxaan leeyahay, dad aan kaa adkaan jirini markay kaa adkaadaan, noocii la noqon jiray waa tahay. Faysal ina Cali Waraabena waxaan leeyahay, si aanad u aamusi jirin ayaad u aamusan tahaye maxaa kaa siya. reer Burcona waxaan leeyahay, haddaa ka fursan waydaan dawladda nabadgelyo ugu mudaharaada, laakiin shacbi ahaan ha isku mudaharaadina. Boqor Buur Madawna waxaan leeyay, hambalyo xil baa ku saaran. umaddana guud ahaan waxaan leeyahay, nabadda ilaashada, iyadaa naas la nuugo iyo nololba ahe.