Garabka Dhalinyarada Xisbiga WADDANI Oo Si Rasmi Ah U Doortay Hogaanka Xidhiidhka Ardayda Jaamacadaha Gobalka Maroodi Jeex Ee Xisbiga

WADANI 11

Garabka Dhalinyarada Xisbiga WADDANI Oo Si Rasmi Ah U Doortay Hogaanka Xidhiidhka Ardayda Jaamacadaha Gobalka Maroodi Jeex Ee Xisbiga

IMG_1713

Hargeysa(Salaanmedia.com):-Munaasibad Si Heer Sare Ah Loo Soo Agaasimay Isla Mar Ahaantaan Lagu Shaacinaayey Hogaan Cusub Oo Ay Doorteen Garabka Dhalinyarada WADDANI Ee Xidhiidhka Ardayda Jaamacadaha Gobalka Maroodi Jiix Ayaa Lagu Soo Bandhigay Hotel Emperial Ee Magaalada Hargeysa

Wadani 2

Waxaana Munaasibadaasi Ka Soo Qayb Galay Hogaanka Sare Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI,Guddoomiye Ku Xigeenka Shanaa Marwo:Milgo Maxamed Cilmi,Mujaahidad Sahra Halgan,Xoghayaha Ku Meel Gaadhka Ah Ee Garabka Dhalinyarada Xisbiga WADDANI,Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI,Xoghayaha Dalxiiska,Guddoomiyaha Xidhiidhka Ardayda Jaamacadaha,Masuuliyiin Kale,Haween,Ardayda Jaamacadaha Iyo Marti Sharaf Kale Oo Aad U Tira Badan.

Wadani 3

Munaasibadan Oo Ahayd Mid Lagu Shaacinaayey Shan Xubnood Oo Ka Mid Ahaa Dadkii Loo Doortay Hogaanka Xisbiga Xidhiidhka Ardayda Ee Xisbiga WADDANI,Ayaa Waxaa Halkaasi Ugu Horeyn Ka Hadlay Guddoomiyaha Cusub Ee Loo Doortay Xidhiidhka Ardayda Jaaacadaha Gobalka Maroodi-Jeex Md:Yuusuf,Waxaana Uu Faah Faahin Ka Bixiyey Marxaladihii Kala Duwana Ee Ay Soo Mareen Unuga Xidhiidhka Ardayda Jaamacadaha Ee Xisbiga WADDANI,Waxaana Uu Sheegay In La Aas Aasay Horaantii Sanadkan Hada Dhamaanaya,Isaga Oo Carabka Ku Dhuftay In Xisbiga WADDANI Uu Gabi Ahaanba Jaamacadaha Kala Duwan Ee Magaalada Hargeysa,Ku Leh Gudiyo Iyo Xubno Muhiim Ah Oo U Matalaya Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI

Wadani 4

Marka Hore Waxaa Unugan Xidhiidhka Jaamacadaha Waxaa La Aas Aasay Bilowgii Sanadkan Dhamaanaya,Waxaanu Ku Bilownay Jaamacadaha Gobalka Maroodi Jeex,Oo Ahaa Runtii Illaa 11-Jamacadood,Iyada Oo Nidaamka Aanu U Dhisaynay Ahayd Runtii In Xisbiga WADDANI Uu Jaamacad Kasta Uu Ku Yeesho Cid Ma Tasha,Oo Xisbiga U Joogi Karta,Waxa Kale Oo Jirta In Xisbiga WADDANI Uu Leeyahay Garabka Dhalinyarada,Garabkaa Dhalinyaradana Ay Xidhiidhka Ardayda Jaamacadahu Ay Tahay Qayb Ka Farcanta Oo Run Ahaantiina Ah Qaybta Ugu Muhiimsa.Waayo Dadkani Waa Dadkii U Codayn Lahaa Xisbiga Mustaqbalka Dhaw Haddii Illaahay Ka Dhigo,Waa Takale Mar Haddii Ay Dadkani Yihiin Dad Aqoon U Ehel Ah Way Ka Duwan Yihiin Dadka Kale Ee Suuqa Jooga.Waxaanan Doonayaa In Aan Halkan Aan Aad Iyo Aad Uga Mahad Celiyo Guud Ahaanba Ardayda Xidhiidhka Jaamacadaha Oo Ii Doortay In Aan Noqdo Guddoomiyaha Ardayda Xidhiidhka Jaamacadaha Ee Xisbiga WADDANI Aniga Oo Markii Hore Ahaa Guddoomiye Ku Meel Gaadh Ah Oo Hada Si Rasmi Ah Xilka Laygu Doortay,Waad Mahadsantihiin Ayaan Leeyahay”Ayuu Yidhi Yuusuf Maxamed Jaamac.

Wadani 5

Xog-Hayaha Ku Meel Gaadhka Ah Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Md:Maxamed Sidiiq Dhame Oo Isaguna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Faah Faahin Ka Bixiyey U Jeedada Ay Ka Xisbi Ahaan U Aas Aaseen Garabka Xidhiidhka Aradayda Jaamacadaha,Waxana Uu Sheegay In Ay Uga Dan Leeyihiin Sidii Ay Aqoonta Iyo Caqliga Fayow Ee Dhalinyarada Ay Uga Faa’idayn Lahaayeen Sidii Ay Wax Uga Tari Lahaayeen Guud Ahaanba Dalka,Gaar Ahaana Ay Uga Qayb Qaadan Lahaayeen Curinta,Iyo Soo Kordhinta Fikirada Iyo Aarahaha Qoriska Barnaamijka Xisbiga Oo Ay Kaalin Mug Weyn Ay Ka Qaadan Doonaan Dhalinyaradu.

Wadani 5

Xafladan Runtii Waa Xaflad Aynu Ku Shaacinayno Hogaanka Gobalka Maroodi Jeex Ee Xidhiidhka Ardayda Jaamacadaha Oo Todobaadkan Gudihiisa Hogaan Cusub Soo Doortay,Oo Markii Hore Ahaa Mid Ku Meel Gaadh Ah,Markii Hore Ee La Sameeyey Ee Xafladana Loogu Qabtay Hotel Ambassaddor,Waxaa Ay Xidhiidhka Jaamacaduhu Iska Soo Doorteen Shan Qof Oo Ay U Garteen In Ay Noqdaan Hogaanka Xidhiidhka Jaamacadaha,Jaamacad Walibana Waxaa Ay Leedahay Guddoomiyeyaal Jaacadeed Iyo Gudiyo Ka Hawl Gala Qaybaha Kala Duwan Ee Jaamacadaha.Xidhiidhka Guud Ee Ardayda Jaamacadaha Waxaa Loo Aas Aasay Sidii Fikirka Iyo Aqoonta Cuddoon Ee Dhalinyarada Looga Faa’idayn Lahaa Horumarka Dalka,Sidii Ay Dhalinyarada Jaamacaduhu Ay Uga Qayb Qaadan Lahaayeen Qorshe Yaasha Iyo Barnaamijka Xisbiga,Door Fir Fircoona Ay Uga Qaadan Lahaayeen,Maadaama Uu Xisbiga Yahay Madal Fikirka Dhalinyarada U Furan”Ayuu Yidhi Maxamed Sidiiq Dhame.

WADANI 7

Waxa Sida Oo Kale Halkaasi Ka Hadlay Mujaahidada Wayn Sahra Halgan Iyo Sida Oo Kale Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Md:Maxamed Xasan Dirir,Waxaana Ay Labadooduba Ay Ku Dheeraadeen Muhiimada Ay Leedahay In Dhalinyaradu Ay Ka Fakiraan Sidii Ay Dalka Iyagu Ay Ugu Dooran Lahaayeen Hogaan Cusub Oo Ay Hadhaw Kula Xisaabtamaan Waxyaabaha Uu U Qabtay Dadka,Balse Aanay Dooranin Mid Ku Meel Gaadha Oo Kursiga Ku Fuula,Waxaana Ay Carabka Ku Dhuteen In Xisbiga WADDANI Uu Saami Balaadhan U Diyaariyey Dhalinyarada Si Ay Uga Qayb Qaadato Ka Qayb Galka Siyaasada Dalka.

WADANI 8

Guddoomiye Ku Xigeenka Shanaad Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Marwo:Milgo Maxamed Cilmi Oo Iyaduna Halkaasi Ka Hadashay Ayaa Dhalinyarada Kula Dar Daarantay In Ay Dhankooda Ay Dadaal Ka Muujiyaan Sidii Ay Ula Xisaabtami Lahaayeen Hogaamiyeyaasha Ku Dan Gaadha Dhalinyarada Ee Marka Danbena Aan Soo Hadal Qaadin,Waxaa Kale Oo Carabka Ku Dhufatay In Xukuumada KULMIYE Ay Markii Hore Kursiga Ku Soo Fuushay In Ay Wax U Tarayso Dhalinyarada Balse Aanay Illaa Hada Dib U Gudin Abaalki Ay Ku Lahaayeen Dhalinyarada Somaliland

WADANI 9

Runtii Aqoontii Dalku Waa Idinka Haddii Aad Tihiin Dhalinyarta Jaamacadaha,Mar Walba In La Cawdo Oo La Yidhaahdo Maxaa Ana Wax Naloogu Qaban Waayey Ma Qurux Badna,Mar Walba Waxaa Ay Tahay In Mid Kasta Oo Hogaan Qabta,Iyo Mid Kasta Oo Doonayaba Aynu Miiska U Garaacno,Waa In Aynu Nidhaahno Maxaad Noo Haysaan,In La Yidhaahdo Maxaanu Wadankan Ka Nahay,Oo Waa Aynu Ognahay Oo Xukuumadan Maanta Dalka Haysata Juhdi Badan Ayaa Ay Dhalinyaradu Soo Galisay,Wakhti Badan Oo Waxaa Jirta Arday Badan Oo Iskuuladoodii Uga Saaqiday,Uga Baxay Xisbiga KULMIYE Aawadii In Ay Soo Saaraan,Sidaynu Ku Soo Saarnayna Waad Wada Garanaysaan,Waxa Weeye Oo Muhiim Ah In Aynu Marwalba Xaqa Dhalinyaradu Ay Leedahay Aynu Doono,Oo Aad Doonataan Oo Aad Marwalba Tidhaahdaan Maxaad Noo Haysaan Maxaanu Se Haysanaa”Ayey Tidhi Milgo Maxamed Cilmi

WADANI 9

Gaba-Gabadii Waxaa Isaguna Halkaasi Ka Hadlay Qaasim Tubeec Oo Ka Mid Ah Hogaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI,Waxaana Uu Ugu Horeyn Uu Hambalyo Iyo Bogaadin Balaadhan Uu Udiray Hogaanka Cusub Ee La Doortay Isaga Oo U Rajeeyey In In Illaahay Uu U Fududeeyo Hawsha Culus Ee Ay Isu Xilqaameen In Qabtaan.”Waxaan Marka Hore Aan U Hambalyeynayaa Hogaanka Cusub Ee Aad Doorateen,Waxaanan U Rajaynayaa In Ay Hawsha Loo Igmaday Ay Halkii Uun Ka Sii Qaadi Doonaan,Oo Ay Si Wacan U Qabsadaan.Hal Midh Ayaan Idin Leeyahay Oo Ah Ardaybaad Tihiin,Waxaan Ognahay,In La Yidhaahdo Wax Waliba Sabab Ayey U Dhacaan,Bal Macalimiintiinii Way Diiya,Marka Ay Xukuumadani Inta Ay Baarlamaanka Ciidamo Badan Ay Keentay Deedna Ay Xoog Ku Qabsatay Yaa Laga Illaalinaayey,Waxaad Mooda Dawladii In Ay Xooga Horta Jaha Wareertay,Markaas Ayaa Waliba Askartii Illaalinaysay Inta Laga Raray Ayaa Waxa La Keenay Askar Kale Oo Iyaguna Qaranka Uun Ah.Waxa Kale Oo Iyadana Aad Soo Raadisaan Dawlad Jirta Oo Wasiiradoodii Ku Tartamayaan Kursigii Madaxweynahooda,Waa Wasiir Kurisigii Madaxweynahiisa Ayaa Uu Raadinayaa Oo Uu Ku Dagaalamaya,Halkuu U Marayaa Markaa,Dawladuu U Maray,Waa In Aad Fahamtaan KULMIYE-Na Waa Xisbi Oo Waa Gooni Dawladuna Waa Gooni,Marka Xataa Dariiqii Hagaagsanaa Ee KULMIYE Muu Marin,Sababta Oo Ah Dee Ina Biixi Ayaa Guddoomiye Ka Ah”

 

WADANI 13

WADANI 14

WADANI 15

WADANI 16

WADANI 17

WADANI 10

WADANI 9

WADANI 8

WADANI 7

Wadani 5

Wadani 4

Wadani 3

Wadani 2