Xisbiga Waddani Waxaan Leeyahay Qabaa,ilka Somaliland Oo Dhan Doono Qabiil Madaxweyne Ma Soo Saaree, Dalkana Yaan Qas La Galin Doorashadii Waa Naga Diyaare…Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi

Xisbiga Waddani Waxaan Leeyahay Qabaa,ilka Somaliland Oo Dhan Doono Qabiil Madaxweyne Ma Soo Saaree, Dalkana Yaan Qas La Galin Doorashadii Waa Naga Diyaare…Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi

11(99)

Hargeysa(Salaanmedia.com):-gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay doorashooyinka dalka soo socda iyo sida ay filayaa inay ula tartamaan xisbiyada qaranka ee masraxa siyaasada ay ku wada loolami doonaan.
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo maanta ka hadlayey munaasibad xadhigaga lagaga jarayey dhamaystirka wajiga koowaad ee dhismaha waddada Balli-gubadle ayaa waxa uu waano iyo talo u soo jeediyey xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye isaga oo ugu baaqay inuu shacabka somaliland oo dhan doono balse aanu isku koobin reer kaliya

Ugu hroayn gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya sida ay u

diyaariyeen waxyaalihii looga baahnaa ee samaxayey inay doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo ayaa waxa uu yidhi “Waxaynu ognahay inay maanta dalka ku soo fool leeyihiin xumadii doorashooyinku waxaanan doonaynaa inaanu dadka u sheegno in xisbiga Kulmiye iyo madaxweynihiisu inay diyaariyeen wixii loogu tala galay doorashada iyo wakhtigeedii inuu naga dhan yahay, cid kasta oo noo yimaada mid diir cad iyo mid diir madawba af uu ku hadlayaaba waxaanu ku qancinay sida uu dastuurku qorayo inaanu qodob walba sharciyadiisa dhamaynay maalintii loo baahdaa, bal waxa lagu canaanayo Kulmiye iyo xukuumadiisa lama rabo in dadka caadifad loo kiciyo,lamana rabo in dadka wax aan jirin lagu garaaco, Kulmiye waxa ku baaqday iyo dawladiisa ee la dadka lagu dagaal galinayo doorashada ayey dib u dhigayaan waxaanu u baahanay in nalaga doodo fagaare ay umada oo dhami dhagaysanayso.”
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ka hadlaya xisbiyada mucaaridka ayaa waxa uu yidhi “Waxa lagu cel celiyaa oo dadka lagu kiciyey oo qaar inagaga dhaawacmen qaarna inagaga dhinteen Kulmiyaa doorashadii aanu heli lahayn oo noo diyaara ayey dawladu dib u dhigaysaa, horta sadex xisbiga ayaa tartamaya midi waa Ucid oo dhawr tartan oo hore ayaanu soo wada marnay waanan is naqaanaa garoonkuna waa kii kubaduna waa tii keen ciyaartoygaaga waynu ciyaaraynaayee goolashana iska ilaali , xisbigan Waddani ee xamaasada kulul waxaanu leenahay horta waa ciyaartii kuugu horaysay ee aad garoon soo gasho, maalintii loo xafladaynayey ayaa laygu casuumay waxaanan ku idhi garoonka waad idinku soo dhawaynaynaa walibana waaya arag ayaanu nahay ee ha naga eegin ciyaar xanaaq badan ee sida Gobolka Hawd uu gobolada kale uga badiyo inta badan ayaanu anaguna gool kaa dhalin doonaa.”
Sidoo kale waxa uu gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ugu baaqay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani inuu isku soo diyaariyo doorashooyinka soo socda xanaaqa badana iska daayo waxaanu yidhi “Waxaan si sharaf leh ugu sheegayaa xisbiga Waddani kubada iyo siyaasadu waa isku mid waxaana la galayaa doorashadii Kulmiye-na xanaaqu waa naga ceeb hal ciyaartoy oo Kulmiye ah cagaar loo taagi maayo aniga ayaana kabtankooda ah oo ka ciyaarta xumeeya qabanaya, waxa la yaab leh Waddani isaga oo an garoonkii soo galin ayey xanaaqadiisii badatay bal horta garoonka wax la soo gal oo ciyaartoygaaga hala arko.”
Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa uu ku baaqay inaan dalka qas la galin waxaanu tilmaamay inay doorashadu diyaar ka tahay waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay dadka yaan qas la galin doorashadiina waa naga diyaar garoonkiina waa naga diyaar wixii hadhayna waxay ku jiraan gacanta baarlamaanka, warkaasina waa inuu cadaadaa waxaana laga rabaa ansixintii guddida doorashooyinka, waxa kale oo laga rabaa inay sii daayaan miisaaniyada, xeerkii aanu soo gudbinay ee dhamaana waxa laga rabaa baarlamaanka maxaa umada meel aan jirin xasaasiyada loogu kicinayaa.”
Ugu danbayntiina gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa uu ugu baaqay xisbiga Waddani inay doonaan guud ahaan shacabka somaliland ee aanay isku koobin beel kaliya waxaanu yidhi “Midna waan idiin sheegayaa waa ayo qabiilka soo saari kara madaxweyne, waxba yaanu is dhibin qabiilkaasi kaligii ha la soo baxo madaxweynaha, aniga oo reer hebel ah meel I gayn mayso, waxaana loo baahan yahay somaliland oo dhan, Waddanina waxaanu leenayay qabaa,ilka oo dhan doono qabiil madaxweyne ma soo saaree
.