Farriin Jacayl: Haddii Aad Tahay Qofka Labaad Ee Aan Jeclahay , Waakee Qof koowaad!

Farriin Jacayl: Haddii Aad Tahay Qofka Labaad Ee Aan Jeclahay , Waakee Qof koowaad!

Fariin Jacayl

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinayna farrin jacayl oo ay war ka qoreen Warbaahinta caalamka iyo kuwa ku hadla afka soomaaliga, warbixintaa oo ah mid xasaasi ah, taasi oo ka hadlaysa arimo ku saabsan Farrimaha jacayl ee la isugu gudbiyo qoraalka.
1-Haddii riyada la dlaban karo waxaan Alle ka dalban laha in aan adiga kugu riyoodo , Qaali waxaad ogaataa haddi aad ahaan laheyd ilinteyda marnaba ma ooyi laheyn waayo ma doonayo in aan ku waayo oo aad dhulka iiga dhacdo.
2-Xabiibi haddii aad tahay qofka labaad ee aan jeclahay , hadaba waa kee qofka koowaad ee aan ka jeclahay , jawaabtu wax ay tahay maba jirto , mar waliba adiga ayaa ii ah qofta koowaad ee aan jeclahay.
3- Magacaaga ayaan ku xardhay ama ku shaanbadeeyay laabtayda ,waxaan ku sawiray jaceylka aan ku qabo qalbigayga runtii dhoola cadeyntaada ayaan u xiisay kuma ilaawayo waligeey.
4-Haddii 100 qof ay ku jecashahay waana ka mid ah ahay , haddii hal qof uu ku jecel yahayna kaasi aniga waaye aniga waaye aniga waaye .
5- Macaan Badan qaado indhaheyga balse ii ogalaaw marka hore in aan ku arko , qaado maskaxdeyda balse ii ogalaaw in marka hore kaa fekaro, qaado gacmaheyga balse ii ogalaaw in aan kugu taabsado , balse ha isku dayin in aad qaadato qalbikeyga maxaa yeelay horay ayuu dhankaada u jiray.
6- In aan ku iloobo aad ayay u adag tahay balse in aad i iloowdo adiga ayay ku taal, iska iloow SMS-kaan balse qofka soo diray ha iloowin waligaa .