Daawo Sawirada: Howlgal laga sameeyay Muqdisho oo lagu soo qabtay Maandooriye iyo ragii ka ganacsanaayay

Howlgal maanta oo tallaado ah ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay Maandooriye iyo ragii ka ganacsanaayay.

Howlgalkaan ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir,waxaana lagu bartilmaameedsaday rag ka ganacsanaayay maandooriyaha qaybihiisa kala duwan.

Waxaa fuliyay howlgalka ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir, waxaana ay gacanta kusoo dhigeen ragii maandooriyaha ka ganacsanaayay iyo waxyaabaha Maandooriyaha ah iyo qarashaad lagu kala iibsanaayay.

Saciid Cabdiqaadir Saciid Guddoomiyaha Degmada Shangaani oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in howlgalkaan uu ka dambeeyay, markii dadka deegaanka ay kusoo wargeliyeen waxyaabaha maanka dooriya oo xaafada qaar lagu iibiyo, kadibna ciidamada Booliiska howlgalkaan ay maanta ku dhaqaaqeen.

Wuxuu sheegay in lasoo qabtay ragii ka ganacsanaayay maandooriyaha iyo lacagihii lagu kala iibsanaayay, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray in sharciga lala tiigsanaayo raga maandooriyaha ka ganacsanaayay.

Degmooyinka ugu badan ee Xamar lagu iibiyo maandooriyaha ayaa kala ah Xamarweyne, Shangaani iyo Shibis, waxaana halkaasi lagu arkaa goobo kala duwan oo si qarsoodi ah waxyaabaha maanka dooriyo loogu iibiyo.

Sax (1)

Sax (2)

Sax (6)

Sax (7)

Sax (8)

Sax (4)

Sax (3)