Madaxtooyada Somaliland ma ta Muqdisho ayey ka dab qaadataa!?

Madaxtooyada S/land ma ta Muqdisho ayey ka dab qaadataa!

maqaal

       

Waxa Labaatankii u dambeeyey uga baraney Madaxtooyada Muqdisho musuq baahasan, ku tumashada sharciga, cabudhinta Saxaafadda iyo xaq-dhowris la’aanta xuquuqda aasaagiga ee aadamiga. Khilaafka madaxda oo mar kastaba laga huriyo madaxtooyada oo haddana ka mushkilda abuurey uu sax yahey . U fiirso madaxweyne Xasan sheikh shaley ayaa Rw.Saacid looga eryey xafiiska iyada oo aan la is weydiin yaa qaldan yaase Toosan, balse, duuduub doosha looga dusha loo saarey ka dib markii hantidii ummadda lagu qeybiyey mudanayaasha mooshinka ku macaasha. Iyada oo aan sanadba ka soo wareegin waa tan sidii shaley halkeedii mareysa. Wali waxba lagama baran kuwii shaley, Doraad iyo………. . Maxaa mar walba madax-weynaha sax ka dhigey? RW-ha qaladka loo saaraa? Haddii uu caqli shaqeynayo, waxa muuqata ninka qofkii yimaadaba la shaqeyn kareyn, isagaa xadhig lama sitaan ah; “Wadar iyo waaxid keebaa sax ah!”

                 Haddaba, Maanta S/land waxa ka taagani waa tabtaa Muqdisho ka taagan. Mudanayaasha Golaha Wakiilada Xisbi kasta oo ay ka soo jeedaan wax dhexyaal oo isku heystaan ma jirto. Khilaaf Madaxtooyadu walwaaleyso ayaa lagu soo dhextuurey sida kuwa Muqdisho ka dhacaya. Guurtida, waan gurmaney lahina wali ma taaban halka sartu ka qudhuntey oo ay iska wada arkayaan halka ay salka ku heyso iyo cidda dabada ka riixeysa ee madaxa isu-wada gelisey mudanyaasha. Gurmadka iyo gucleyntuna waa badbaadinta Dawlada, markey arkeen in ay ku fashilantey Moshinkii iyo Inqilaabkii Milatery ee dhicisoobey.

Waxey ila Muuqataa uun sida qolada Xamar, ayaan Madaxweyne Siilaanyo aaney ku odhan Karin adigaa mushkilada abuuraya ee jooji.

   Markaa, madaxtooyada  Hargeysa waxey ka shidaal qaadataa tan Xamar, Kol haddey talaabooyin isku jin ah ku wada talaabsanayaan.

           Allow Sahal Umuuraha!

  Abdi Geireh

Gudd/ Wadani, Seattle, WA, USA.