Sheeko: Intii aanan ku baran ayaan bad qabay! W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhago-cadde)

Sheeko: Intii aanan ku baran ayaan bad qabay!

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhago-cadde)

maqaal

Maanta waa tan oo inantii Ilsan waxa uu waagu ugu baryay doon-doonistiisa, docda, du’dada iyo dhammaan kambalka reerka intaba waa ay ka fiirisay, cabbaar markii ay ku daashay, ayaa ay ugu timid isaga oo ardaaga sidii qof madluunsan oo aad moodo in loo soo tebiyay war dhiilo xambaarsan kadalooba, dadku waxa ay u arkayeen millaygaa in uu maskaxda ka jiran yahay, waxa se uu la walbahaarsan yahay jacayl oo jaan iyo cidhib meel uu u jarmaado ayaa uu garan la’yahay. Cajab! Milicsi badan dabadeed ayaa ay Ilsan oo u qaadan la’a meeshan uu joogo Sugulle la hadashay oo waydiisay waxa ku dhacay. Sugulle oo aad moodo markaas in aanuu waa sani u baryin ayaa ay ugu darsantay naxdin ka dhalatay kulanka kediska ah ee qofkii uu waayo ku talamayay kana fikirayay, jawaab degdeg ah oo aanuu u kasin isla markaana aanuu hubin run ahaanteeda ayaa uu ku yidhi “Haa, maya walaal waxba ima helin”. Ilsan oo durbadiiba si dhaw u akhriday dareenka isku dhafan iyo xaalka murugsan ee sugulle ayaa ugu hal celisay “haye waxa aan kuu rajaynayaa maalin san”. Intaa markii ay ku tidhi ayaa ay jaanta ka rogtay oo ay ku fooftay dano markaas qabyo ka ahaa oo ay hiyiga ku haysay dhamaystirkooda.

******

Sugulle iyo Ilsan waxa ay ahaayeen barbaar deegaan wadaag ah oo aad isku fahmay, isla markaana soo wada taabtay nolosha labadeeda dacal ee dhibta iyo dheefta. Waxa ay inta badan ku wada haasaawi jireen erayo nuxur iyo nur-khayr ba leh, oo aanay ka madhnayn daacadnimo.

Reerka uu ka dhashay sugule waxa uu ahaa qoys dan yar ah, Ilsan se reerkoodu waa uu ka duwanaa xaalka reerka sugulle oo jeeb ahaan waa ay dhaameen, dhaqaale fiicana waa ay haysteen.

******

Dhawr sanno kadib, waxa ay la kulmeen dagaalo sokeeye, waxaanna ay reerihii ka qaxeen deegaankii ay ku wada noolaayeen, waxa ay u boqooleen dhankaa iyo tuulo ku taalay galbeed. Dhammaan dadku mid xoolo lahaa iyo mid aan waxba haysan waa ay ka sinaayeen qaxa iyo dhibaatadda qaxoontinimada, waxa ay wada gali jireen safaf dhaadheer, iyaga oo sita warqadahoodii qaxoontiga oo ay ku qaadan jireen waxogaa cunto ah si ay dharaaro u quutaan. Ilsan iyo Sugulle markan iskuma hayaan wakhti firaaqo ah oo la mid ah kii ay haysteen markii ay ku noolaayeen magaaladda, mid walba dushiisa waxa ka muuqata darayo, la yaab se ma laha oo duruufta ayaa sidaas baday, jacaylkii ay isku qabeen se waxa uu ku sii nagi yahay halkiisii waayo hore ayaa loo yidhi:

“Ma dawoobo caashaqu,

Iska daana kuma tago,

Dareenkaaga kama go’o……”

Wax waliba waxa ay u dhici jireen si ka gedisan sida ay doonayaan, walow samirku u ahaa udub dhexaadka jacaylkooda. Qaxoontinimada ka sokow waxa ay ka soo gudbeen dhibaatooyin aad u badan oo kaga imanayay xaga asxaabtooda gaar ahaan inanta oo ay saaxiibadeed kula talin jireen in ay iskaga hadho inankan aan waxba haysan, weliba ka dhashay qoyska dan yarta ah, maadaama oo ay iyadu ka dhalatay qoys hanti iyo raasamaal ba leh, guursatana wiil u qalma oo ay isku heer yihiin, sumcad iyo maamuus na ku dhex leh bulshada. Waxa ay ka daashay kaftan ay halhays ka dhigan jireen marka ay la kullmaan iyada oo ahaa:

“….Maxaa naga galay danyare,

Haddaanu duunyaba lahayn,

Miyuu dadka naga xigaa, 

Dardaaran haduu ka rabo,

Jaceyl doqonuu hayaa,

Candhuuftaada dib u liqoo,

Ku diidaye soco ku dhaha…..”

Ilsan oo ahayd sarriig, karti iyo dhabeelnimo Illaahay iskugu daray ayaa iyadu aan waxba kasoo qaadi jirin hadalada ay kula talinayaan asxaabteedu. Taasi oo markii dambe isku bedeshay cay iyo in ay ku tilmaamaan qof waalan oo la sixray. La yaab se may lahayn oo waxa ay u haysteen in jaceylka iyo saboolnimadu ay yihiin kuwo kala caaggan oo haba yaraatee aanuu wax xidhiidh ahi dhex mari Karin. Aflegaadada ay ku hayeen saaxiibadeed waxa ay markii dambe wada gaadhay deegaankii ay ku noolaayeen, iyada oo xitaa u gudubtay gurigoodii.

Si kasta oo uu xaalku ugu xumaado Ilsan, haddana waxa ka go’nayd in ay lasii socoto Sugulle. Waxa ay niyadda ugu dhisi jirtay in ay mar walba garabkiisa taagan tahay oo aanay ku nacayn dhegxumada lagu hayo, iyo in ay mar walba raali kaga tahay nolosha uu ku nool yahay, hore na ay ugu qanacsanayd in ay la wadaagto duruufta uu ku sugan yahay. Waxa kale oo ay xusuusin jirtay in ay aduunyaddu gelin ba cayn tahay, oo uu Illaahay qofka uu doono wax siin karo, ka uu doonana ka qaadi karo; “haynta iyo maalkuna hiddo dhaxal ah maahee hadhwareega weeyoo la helaa la waayaa” ayaa ay ku guubaabin jirtay. Waxa kale oo ay ku boorin jirtay in uu samir iyo dulqaad la yimaado, maankiisana ka saaro werwerka iyo fikirka ka dhex hugmaya. Ereyadaasi waxa ay ahaayeen qaar Sugulle ku abuuray hami iyo nolol cusub oo soo nooleysay naruuro uu in badan tebeyay qalbigiisu, waxa irmaanaatey rajadiisii gudhnayd, in uu mar uun guulle lagama waayee heli doono waxa uu rabo ayaa uu isugu niyad qaboojiyay.

******

Afar sanno oo ay ku jireen marxaladii qaxoontinimada kadib waxa ay ku soo guryo noqdeen Hargeysa iyo hoygii ay ku ababeen. Magaaladu imika gebi ahaanba waxa ay ka duwan tahay tii ay hore bilicda ugaga tageen, wax waliba waa ay is dhalan-rogeen, oo deegaankan cusubi waxa uu u muuqdaa mid aan haba yaraatee wax nolol ahi ka suurto gelayn. Dugaaga iyo duqeyntii madaafiicda ayaa magaalada u dhalan-gediyay carro kale oo ay adagtahay in uu garto qofkii ka tagay. Waase qoys kasta iyo halka uu kaga foofo raadcaynta nolol cusub iyo yagleelida qormooyinkii uu dagi lahaa. 

******

Ilsan iyo Sugulle xidhiidhkooda hada waxa uu la kowsaday noloshii bilawga ahayd ee magaalada, Waxaana ay galeen iskuul. Muddo badan ayaa ay kuwada socdeen si fiican, waxa ay noqdeen sidii carrab iyo labadiisii daan. Waxa dhiig cusub ku shubay jacaylkii dhexdooda yaalay dhabar adaygii ay u muujisay Ilsan iyo talooyinkii ay siin jirtay isaga. Waxa niyadiisa kusoo noqnoqon jirtay hees uu ku luuqeeyo fanaanka Lafoole, taas oo tidhaa:

“…..Nuurkii indhaha iyo
Nafta raaxadeedaay
Taan nasiibka ku hamiyay
Calaf in ay u noqotaay
Ku nagaatay labtoo
Nudayaasha beerkiyo 

Wadnahaad ku nabantee
Naruuradii jacayl kee
Sharka laga nasahayeey
Sidii nirigta maandeeq
Naxariista eegmada
Ugu soo noqnoqotaan
Ilsan kuugu nugulahay
Niyadeydu gacalooy
Mideey naawishaad tahay…..”

******

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ay iyada oo ka timid iskuulka, soo gashay gurigoodii, isla markii ay ka soo gashay afaafka hore ee aqalka ayaa ay maqashay aabaheed oo la hadlaya hooyadeed. Waxa ay u dhag-raaricisay hadaladii ay is waydaarsanayeen waalidkeed. Waxa ay maqashay aabaheed oo leh inanta waxa aan siinayaa nin lacag leh oo u qalma, kanna yimid dibada, hooyadeed na ay ku leedahay waayahay ee xaaji ma ku yeelaysaa horta, bal weydii marka ay timaado, aabaheed na uu ku leeyahay waa ay yeelaysaa oo ma diidi karto, ee naa adigu waxaas dhegta ha ugu ridin inanta yar.

Inantii oo ka naxsan hadalkan kasoo yeedhay aabaheed ayaa soo gashay qolkii ay wada fadhiyeen waalidkeed waa ay salaantay, kedib aabaheed ayaa ku yidhi “Aabo Ilsan halkan agtayda soo fadhiiso maanta waxa aan kuu hayaa war farxad leh e’ ”. Waa ay soo fadhiisatay iyada oo aan ka dhoohanayn warka uu aabaheed ugu baaqayo, waxa ay iska dhigaysaa qof aan waxba ogeyn. Iyada oo wejigeedu badalan yahay ayaa ay ku tidhi “Hee aabo maxaa aad ii haysaa maanta”. Aabaheed oo dhoola-cadaynaya ayaa u sheegay inantiisii in uu doonayo in uu u guuriyo nin lacag leh oo ka yimid qurbaha, una balan qaaday in uu siin doono marka uu yimaado sannad kadib. Ilsan ayaa cabaar aamustay iyada oo uu aabaheed ka dareemayo in aannay raali ka ahayn kuna qanacsanayn hadalka uu u sheegay ayaa waxa uu ku celiyay haye aabo saw caadi maaha maxaad la aamustay. Maya aabo! Waxa ku jawaabtay inantii oo cod daciif ah ku tidhi. Aabaheed oo ka xanaaqay diidmada ay inantiisu kala hor timid ayaa ku yidhi maxaad ku diidaysaa guurka “Inani waa guur u jog aabo e’ .” Inantii ayaa u sheegtay aabaheed in ay wiil wada sheekaysanayeen muddo ku dhaw toban sanno. Cajab! Aabo waxaasi wax kaa soconaya maaha’e waayo wiilkaasi, halkuu degan yahay, maxaa uu se ka shaqeeyaa, waxa yidhi aabaheed.

Inantii Ilsan oo garan la’ wax ay kaga jawaabto su’aalahaas aabaheed isku daba dhigay, ogna in haddii ay u sheegto cida uu yahay wiilku iyo halka uu degan yahay uu aabaheed aqoonsan doono isaga, maadaama oo uu berri hore aabaheed kula taliyay in ay ka hadho wiilkan. Mar labaad ayaa uu aabaheed ku celiyay inantiisii dhakhso ii sheeg waayo dee. Aabo waa wiil ku nool xaafadahan inaga koreeya ee Takaari, waana wiil……………………, iyada oo aan hadalkii dhamayn ayaa uu aabaheed gartay wiilka ay sheegayso, waxaana uu ku yidhi ma kii aan kaala taliyay ee aan ku yidhi kuguma arki karaa? Haa aabo waxa aan u wada soconay sidii. Aabaheed ayaa canaantay, hadalna ugu soo koobay in ay sida uu rabo maanka gashato. 

******

Ilsan oo ka murugaysan go’aankii aabaheed uu ka gaadhay, ayaa u baxsatay inankii maadaama oo loo diidi jiray in ay baxdo lana ilaalin jiray. Isla markii ay gurigii Sugulle soo gaadhay waxa ka il horeeyay isaga waana uu iska qariyay, sababta oo ah ma uu jeclayn in ay guriga ugu timaado. Waxa ay waxogaa ugu yeedhay magaciisii mase u muuqanayo, waxa ay dib ugu laabatay wadiiqadii aqalkooda, isaguna waxa uu ka wareegay halka dambe, kadib waxa uu u istaagay marinkii ay soo maraysay marka ay soo noqoto. waxa uu hoos fadhiistay geed qudhac ah oo ku yaalay waddada dhinaceeda. Waa tan oo gacanta ayaa ay dhabanada ku haysaa, waxa ay ka xun tahay in ay arki waydo, waxa ay iskula hadlaysaa; “tollow xaguu qabtay iyo……….” 

Ilsan, Ilsan, ……waxa ugu yeedhay Sugulle oo isagu arkayay ilaa markii ay qolqolka aqalka taagnayd ilaa intii ay soo socotay. Waxa ay jaleecday dhankeeda midig, waxa ay aragtay isaga oo fadhiya. Waxa ka go’day falaadh, oo maalmo badan maanta ayaa u arag ah. Waa ay kusoo dhaqaaqday oo ay la fadhiisatay halkii uu fadhiyay, waxa ay u sheegtay in ay rabto in ay kala hadasho arrin kusoo korodhay. 

Illaahayow nin aan waxba ogayn ha cadaabin! Ka hor intii aannay sheekadii u bilaabin waxa wajigeedii ku dhacay gadoon, waxa uu ka dheehanayaa in aannay faraxsanayn, wax dhacay se waxba kama oga. Waxa ay bilawday oohin, waxa indhaheedii kasoo burqamay ilmo, waxa ay garan la’dahay si ay ugu sheegto, iyo haddii ay u sheegto sida uu noqon doono. Waxa ay qabsatay labadiisa garab iyada oo aad u anfariirsan. In muddo ah oo ay iyadu marxaladaa ku sugnayd, isaga waxa lasoo deristay tiiraanyo oo waxa uu isweydiinayaa waxa ku dhacay gacalisadiisa, waxa se uu maankiisu siiyay in ay geeri ku dhacday oo ciddi ka dhimatay reerkooda, kadibna ay u sheegi kari la’dahay. Cajiib! Cabaar murugo iyo calaacal la wada qaatay ayaa ay inantii oo ku sugan marxalad geeridu dhaanto ku tidhi inankii “Walaal Sugulle wax kale ma jiraan ee aabahay ayaa igu yidhi nin ayaa aan ku siinayaa sannad kadib”. Ismooganaan ayaa uu fadhiga uga kacay, Yaah! Kadib ayaa ay hadana ugu celisay intii ay markii hore  ku tidhi. Haye kadibna! Waxa ku yidhi Sugulle. Dee walaal wax aan sameeyo ma garanayo waxa kaliya ee aan ku talin lahaa si aynu isku calfano inagu in aad i soo doonto inta ka horaysa inta uu imanayo ninka uu aabahay sheegayaa. Sidaas waxa soo jeedisay Ilsan. Haye ayaa uu ugu jawaab celiyay isaga oo aan arrin iyo adduun toona isla hayn.

******

Adduun waa marba nooc, waa sida geedka hadhkiisa, oo waa gelinba meelo u jeed eh, Sugulle waxa uu shaqo ka helay dawladda. Waxa loo qoray mushahar joogto ah oo ku filan xilligaas, qayb waxa uu siin jiray xaafadooda inta kalena waxa uu dhigan jiray tukaan ku dhawaa aqalkooda. Wakhtigan xaadirka ah waa uu u baahnaa shaqadan oo aad ayaa uu ugu farxay, sababta oo ah Ilsan ayaa ay balan kuwada galeen in uu ka soo horeeyo muddada ninka aabaheed u balan qaaday ee uu imanaayo waddanka.

Sanaddo badan kadib, markii uu Sugulle u shaqaynayay dawladda ayaa uu reerkoodii ka saaray marxaladii ay ku sugnaayeen wakhtigaas, una dhisay aqal wanaagsan oo ay ku noolaadaan qoyskoodu, inkasta oo markii uu shaqaynayay kow iyo tobban bilood shaqaddii laga eryay oo ay dawlad cusubi qabsatay wadanka. Si kastaba ha ahaatee hadana Sugulle waxa uu urursaday xaddi lacag ah oo uu sii isticmaali karo sannado dambe. Walow muddadii inanta aabaheed balanqaaday in uu nin ku dari doono ay soo saaran tahay kaabiga oo culays weyn ku haysay isaga.

******

Sugulle ayaa damcay in uu lacagtii ugu soo geed-fadhiisto Ilsan oo ay dhawr sanno sheeko wadaag ahaayeen, Samir iyo kalsoonina ku wada noolaayeen. Odaygii inanta dhalay ayaa se u sheegay in aanuu inantiisa siinayn, sababta oo ah waxa waydiistay wiil uu adeer u yahay oo ku nool carriga Maraykanka. Hadalkan uu kala kulmay odayga ayaa laf dhuun gashay ku noqday hamigii iyo riyadiisii ahayd in uu mar uun gogol iyo gasiin la wadaago Ilsan oo ay aad isku jeclaayeen. Ma ilaawi karo, maskaxdiisana kama saari karo oo waxa ay ahayd sidii qayb ka mid ah jidhkiisa oo kale. Wax uu sameeyo ayaa uu garan la’yahay oo waxa ku ciirtay talo, ugu dambayna waxa uu noqday qof la nool fikir iyo walbahaar isaga oo ka shakisan una haystay in Ilsan ay raali ka tahay go’aankan aabaheed gaadhay. Ma oga laakiin nasiib wanaag Ilsan waa ay diiday in loo guuriyo ninkii uu aabaheed u balan qaaday, waxaanna ay u nuglaatay jacayl oo waxa ay noqotay qof la nool werwer, in muddo ahna il iyo baar ma ay saarin Sugulle oo ay u heelanayd.

******

Sugulle waxa uu go’aansaday in uu ka suudalo waddanka, waxaana uu u sadcaalay dhankaa iyo yurub. Isla markiiba waxa uu cagta saaray dhabadaa itoobiya, kuma negaanayn ee kolba dal ayaa uu doonayay in uu iskaga gudbo. Adduun lacageed waxa uu sitaa waxogaagii lacagta ahayd ee inanta loogu diiday, sahay kale oo uu safrada ka isticmaalo waxa uu watay roodhi uu kasii qaatay dalkiisa iyo caagad yar oo biyo ugu jiraan. Dhibta tahriibtu waxa ay ahayd mid aanuu ka dhoohanayn balse uu u badheedhay oo uu ka doorbiday bay’adiisii ba’ iyo balanbal wixii uu la kulmaba. Intii ay wadada sii hayeen waxa uu weheshanayay koox dhalinyar ah oo ay iska raaceen itoobiya, oo iyaga laftoodu saluug iyo silic ku tilmaamay noloshii ay kasoo dhalandhooleen ee ay kaga yimaadeen gayigoodii. 

Sugule waxa uu ku dhacay xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan, waana uu miyir-beelay, dhalintii la socotay ayaa u qaaday dhakhtar ku yaala suudaan. Waxa laga helay dhiig yaraan loo malaynayo in ay sabab u ahayd arrinkii soo qabsaday. Maalmo tirsan oo uu ku jiray cusbitaalka waxa maankiisa kusoo noqnoqonaysay mahadhadii murugada ku reebtay oo ahayd ta kobtaa dhigtay, kana soo kaxaysay dhulkiisii hooyo. Saaxiibadiisii la socday waa ay ka tageen oo waxa ay sii wateen socodkoodii. Dhakhtarkii cusbitaalka oo amar ka haystay waaxda socdaalka ee dalkaas ayaa u sheegay sugulle in lagu celinayo halkii uu kasoo kicitimay, ma uu jeclayn se in uu markaas ku noqdo magaaladii uu ka yimid beryo kahor, sababta oo ah talaabadii uu kaga yimid dalkiisa waxa ay ahayd mid ku munaasib ah markaas, waxa uu lahaa ujeedo, waxa uu rabay in uu mar uun dhaayaha saaro yurub, noqdana nin qurbe-joog ah. Ujeedada uu go’aankaa u qaatay waxa ay ahayd markii uu arkay qadarinta iyo mansabka uu bulshada ku dhex leeyahay qofka dibada ka yimaadaa, iyo gacalisadiisii oo loo balan qaaday nin dibbad joog ah, oo aan loo eegin ab, isir, dhaqan, iyo dabeecad wanaagsan toona. “Insha allah waan hubaa in aan mar uun tagi doono qurbaha, oo aan ka magac sareyn doono dadka qolqol jooga ah ee aan kaga imid wadanka”, ereyadaas waxa iskula shawrayay sugulle.

******

Ayaamo dabadeed waxa uu ka baxsaday dhakhtarkii, waxaana uu goor fiid ah u dhaqaaqay dhinaca Liibiya iyo saxarihii weligiiba maqalka ku ahaa. Wakhtigan waa kaligii , waxba kama baqayo oo waxa uu noqday qof adag, ku dhacna leh. Intii uu ku dhex jiray saxaraha waxa uu ka war helay dhawaaq rasaas oo dhankiisa galbeed ka dhacaysa, waa saxare sanqadha ka baxaysa meel dheer ayaa si sahal ah loo maqlaaye, waxa uu bidhaan ka arkay siigo iyo boodh ka kacaya halkii xabbadu ka dhacaysay, waa se uu arkayaa in aan baxsad u oolin, oo lagu soo wajahan yahay isaga, meeshuna geed iyo kurtin la isku gudbo midna ma leh. Waxa uu ku celcelinayaa ashahaada, Ashahadu an laa Illaaha ila Laah, wa ashahadu ana Muxamedu rasuulu Laah. Imika waxa uu ka quustay naftiisii oo isma laha waad badbaadi, waa lagu dilli mooyee.

Nasiib wanaag waxa ay u kaxeeyeen kayn xidh ah oo ku taalay dalka liibiya. Meesha waxa ku sugnaa kooxo dhawr ah oo ka mid ah budhcada, waxa ay waardiye ka hayaan dad badan oo ay ku hortaagan yihiin qoryo. Isla markii uu soo galay goobta waxa uu isha qac ku siiyay saaxiibadiisii kaga yimid Suudaan oo ka mid ah dadkan lasoo qafaashay. Nimanka uu gacanta ugu jiraa waxa kaliya ee ay ka doonayeen lacag, waxaana ay u dhiibeen tilifoono si ay dalab lacageed oo madaxfurasho ah ugu dirtaan qoysaskoodii. Sugulle xaafadoodu may lahayn tilifoon, xitaa cid uu kala hadlo ma garanayo, nimanka haystaana ma sii daynayaan ilaa inta ay helayaan lacagta ay ka dalbadeen, oo aan wax laga dhimayaa jirin. Isaga oo ku xidhnaa halkaas muddo saddex bilood ah ayaa uu si kadis ah u arkay wiil ay isku xaafad ahaayeen oo uu garanayay, kadib waa uu u yeedhay waxaana uu weydiiyay in uu u sheego tilifoonka xaafadooda, si ay ugu yeedhaan cid ka tirsan minankooda oo ay daris ahaayeen. Inankii waa uu ka aqbalay markii uu tilifooniyay xaafadoodii ayaa uu ugu sheegay in ay cid ka tirsan xaafada sugulle ugu yeedhaan. Waxa loogu yeedhay hooyadii. Hello, hooyo markii uu ku yidhi ayaa ay qabsatay oohin, ileen waa hooyo e’ waxa ay la ooyaysay war la’aanta ka haysay inakeeda iyo marxalada uu ku sugan yahay oo ay ugu dambaysay maalintii uu kasoo ambabaxay waddankiisa. Waxyar kadib waxa uu u sheegay hooyadii in lagu haysto Liibiya oo laga doonayo lacagta xadigaa leh. Hooyadii oo ilin ka qubanayso wejigeeda ayaa u balan qaaday in ay usoo diri doonto lacagtaas meel ay ka keentaba. “Xoolo dirqi lama waayo” ayaa soomaalidu tidhaahdaaye, hooyadii ayaa maalinkii ku xigayba u dirtay dhamaan lacagtii oo ay kasoo amaahatay nin ay iyada ilmo adeer isku ahaayeen. Nimankii haystay ayaa sii daayay markii ay soo gaadhay lacagtii ay ka rabeen.

******

Imika waxa uu joogaa caasimad ku xigeenka Liibiya oo la yidhaa Banqaasi, wax lacag ah hadda waxa uu sitaa inyar oo dulsaar uu ka dhigtay markii uu hooyadii lacagta ka dalbanayay. Cajiib! Isaga ayaaba caqli badnaaye waxa uu maanka ku hayay in aanuu helayn lacag dambe wixii imika ka dambeeya kadibna waxa uu israacsaday dalabka lacagta mar keliya.

Caawa waxa uu rabaa in uu soo eego meesha doonyaha laga raaco si uu u soo ogaado xaddiga lacagta ay qofka ku qaaddo. Waxa uu la kulmay mukhalaskii doonida oo u sheegay qiimaha lacagta la bixiyo iyo xilliga ay baxayso doonida u horeysaa. Sugulle waxa uu go’aansaday in uu raaco doonida u horeysa oo shaaximanaysa caawa, waxaana uu bixiyay lacagtii. 

Markii la gaadhay wakhtigii ay doonidu baxaysay ayaa uu u dhaqaaqay bartii ay ka baxaysay, nasiib xumo waxa uu arkay askar gaaf wareegaysa xeeliga bada, inkasta oo ay ka il horeeyeen iyagu. Waxa uu isku dayay in uu ka baxsado, misena uma ay suurto gelin oo waxaaba uu u kacay dhinicii saldhiga, markiibana waa la qabtay oo waxa loo taxaabay xabsiga. Ciilka iyo caloolyawga markan haysta waxa kaga daran waxogaagii lacagta ahayd ee uu haystay oo uu sii siiyay mukhalaskii doonida kiraynayay.

Waxa uu jeelkii ku jiray ilaa toddoba bilood, intii uu xidhnaa war kamuu helin reerkoodii, wax walba waxa kaga daran imika busaarada haysata ee xitaa uu la’yahay wax uu wax ku cunno. Dantu waxa ay ku bartaa wax aannad hore u aqoonine waxa uu ka shaqayn jiray dhismaha, inkasta oo xilliga ay shaqadu dhamaato ee lacagta la siinayo shaqaalaha la weydiin jiray aqoonsi si loo siiyo lacagtii uu ku shaqaynayay. Meeshu maaha dal uu dammiin iyo cid kale toona ka garanayo ee waxa ay dantu ku kalifi jirtay in uu iska qaato waxyar oo cashada habeenkaas ugu filan oo Illaahay looga yaabi jiray.

******

Sugulle, duruufta qalafsan iyo saxariirta aan qiyaasta lahayn ee ay baday nolosha suudalka ah iyo arrinta Ilsan oo uu rabo in uu meel iskaga tiiriyo ayaa qalbigiisa ku hirdamaya, ta danbe ayaana uu rabaa in ay guuleysato, balse goorma, sidee iyo halkee ayaa kaga gudban sansaanta naruuro ee u bidhaamaysa. Tab iyo xeellad kasta ayaa uu u maraa bal in mar uun uu ka xuub-siibto Liibiya iyo doonyaheeda, haddana turaanturo aanuu filayn ayaa boqnaha qabata.

“….Allahayow dal ma aqaan, Allahayow dad ma aqaan, nin uu daad sitaan ahay, dawga ha iiga raaridin……..” Ayaa uu xaalkiisu kusoo ururay.

Cataabida iyo cabashadu waa camalo shaydaan, waa calaamadaha liidashada iyo ducfiga, waa tilmaamo ka dhan ah kana fog kartida,raganimada, calool adayga iyo adkaysiga ee waayahaaga laabta ku hayso oo inaba yaan cidi wajigaaga ka akhrisan waxa ay ku badeen Ilsan iyo Liibiya ayaa ah wehelka uu maankiisa kula shawro.

******

Maalin waliba warkeed iyo waayaheed leh e’ Sugulle iyo saaxiibadiisii tahriibka waxa mar qudha usoo dhacay war dhab-nimadiisa iyo sida ay wax uga jiraan ba ay hubsan kari waayeen, war ku noqday farxad lama filaan ah oo aanay haba yaraatee meesha soo dhigan. Warkani waxa uu odhanayaa “In dawladaha Liibiya iyo Talyaanigu ay si ku meelgaadh ah ugu heshiiyeen in dhamaan tahriibayaasha ku sugan Liibiya la siin doono fursad ay ku gaadhaan dalka Talyaaniga balse wixii intaa ka danbeeya la xidhi doono dhammaan xuduudaha badeed ee u dhaxeeya labada dal”.

Talaabadani waxa ay noqotay farxad cirka ku shareertay shucuurtiii tahriibayaasha waliba si gaar ah Sugulle oo lacag la’aani haysatay, qodax uu arkayo ayaa ka go’day, waxaana uu markaa kadib bilaabay ka fikirka nolosha cusub ee uu wajihi doono iyo waxa laga yaabo in uu muto.

Fariinta labaad ee tahriibayaashu heleen muddo laba cisho gudahood ah ayaa noqotay in dhammaantood ay isku diyaariyaan, safar lagu kala jeexi doono bad weyn dhereran, baaxad aan qiyaas lahayn, dhamaadkeeduna uu ku eegyahay xeebaha bilicda san ee Talyaaniga. Safar dheer kadib waxa laga dajiyay jasiiradda Laambaduusa oo ka tirsan dalka Talyaaniga, taas ooh ore hoy ugu ahayd kuwo badan oo isaga kaga soo horeeyay dhulkan Sugulle ula muuqda dunidda kale. 

******

Nolosha, hab-dhaqanka, afka, diinta iyo dadnimada uu kala kulmay kuwan uu ciiddooda martiyay waxa ay gebi ahaanba jaah-wareer iyo qaadan waa ku abuureen Sugulle, meel uu wax ka bilaabo ayaa uu garan la’yahay, cid garwaaqsata oo la wadaagta duruufta nololeed ee uu ku jiro ayaa uu arki waayay, ciirsi la’ aan cid uga gargaartaa jirin in uu ku jabay ayaa u cadaatay, werwer uu ku qabo waxa ay hada ku sugantahay Ilsan ayaa ugu darsantay. “Biyo dahab la moodyeey, buuraha dhexdeeniyo, badda yaa intuu dhurro, berry laga gudbaayiyo, ban cid la’ kawada dhiga, aan dib ugu beegsado, beledkaygii hooyee….” Ayaa uu nafta ku maaweeliyay. Maxaa se ka dan ah mar haddii cidda uu heesta uga dan leeyahay war iyo wacaal aanuu caano maalo badan arageeda daayoo warkeeda maqal.

******

Faraj khayr qaba iyo shimbir ayaa loo soo diray markii mid ka mid ah asxaabtiisa ay iskugu dhawaayeen uu u sheegay in gabadh ay walaalo yihiin oo joogta caasimada Rooma isla markaana ka shaqaysa waaxda socdaalka ee dalka Talyaaniga ay dhawaan kaxayn doonto labadooda oo ay gayn doonto Rooma. Wax waliba sidii ay filayeen ayaa ay u dhaceen, Sugulle iyo saaxiibkii inkasta oo aanay jeclaysan in ay cidla kaga dhaqaaqaan saaxiibadooda ku wehelinayay safarka eek u go’doonsan jasiiradaa cidlada ah haddana danta iyo duruufta ayaa diiday wada joogistooda. Waxa la gaadhay Rooma waxaana Sugulle iyo saaxiibkii lagu dejiyay goob ay isla markiiba ku xuub dhacsadeen oo ay ku reebeen diiftii iyo diihaalkii weheliyay. Muddo afar sanno ah oo uu Sugulle ku sugnaa Rooma waxa is badalay gebi ahaanba noloshiisii, waxa uu noqday qof si fudud oo aan hore loo arag ula qabsaday nolosha reer Rooma, si qoto dheerna u dhexgalay habdhaqankooda, waxa uu ka korodhsaday aqoon iyo khibrad uu hadda kula tartami karayo, kuwo muddo dheer ka hor sidiisa oo kale ugu soo haajiray dalkan, balse waxa qalbigiisa aan marnaba ka bixin Ilsan iyo warkeed, “Dhulkaa igu balaadhee beryo kaama raagine”, ayaa uu qof aan maqlayn maalin iyo habeen ugu heesa, waxa uu go’aansaday in sannad shannaad aanuu ugu bilan geyigan shisheeye isaga oo aan il iyo baar saarin Ilsan. Markan waxa uu kaga dhabeeyay go’aankiisii kusoo guryo noqoshada dalka hooyo iyo halkii ay berry samaadkii ka abqaaleen iniinta jaceylkooda oo haatan jiridaystay.

******

Aroor hore oo ay ceeryaamo iyo dhedo is huwani gebi ahaanba dhulka qariyeen ayaa uu Sugulle soo caga dhigtay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, boholyaw raagey iyo daltabyo ay weheliso werwerka uu ka qabo nolosha Ilsan ayaa uu sugi kari waayay inta ay diyaaraddu qumaati isku taagayso oo uu isaga oo kankoonsan ka booday albaabka oo markaas un la balaqay. Maba uu sugin ee waxa uu degdeg ku dhaafay xayndaabkii madaarka. Waxa uu ku dhacay tagsi isaga oo afka saaray xagaa iyo dhinicii uu ku ogaa guriga Ilsan. Cabbaar kadib ayaa uu soo gaadhay gurigii oo albaabkii si aan naxariis lahayn u qaraacay, meel yara durugsan ayaa uu isha ku dhuftay laba hablood oo isaga kusoo maqan lana moodo in ay war isaga ku saabsan si hoose isugu dhiidhiibayaan, waa uu yara naxay, dan se kama uu galin ee waxa uu sii watay garaacistiisii guriga. Gabadh shaqaale ka ahayd guriga ayaa ka furtay. “Ilsan, Ilsan”, ayaa kasoo fakatay, haddana garay in inantu aanay Ilsan iyo mid u dhaw toona ahayn. “Ilsanaa, miyay dhimatay, maxaa ku dhacay”, ayaa ay inantii oo naxsani isagii ku celisay, iyada oo u haysata qof ka yimid dhakhtarkii ay ku jirtay Ilsan. Cabbaar is-fahan la’aan ah kadib ayaa Sugulle oo aad moodo in hadda uun uu miirkii kusoo noqday inantii si dagani ka muuqato u waydiiyay bal in xaafadu tahay tii ay muddo ka hor ku noolayd Ilsan. “Waa iyadii ee ma joogto.” ayaa ay si aan naxariisi ka muuqan ugu tidhi. “Waa tii inta uu aabaheed nin siiyay diiday kadibna inan ay jeclayd oo la yidhaahdo Sugulle loo sheegay in uu tahriibay sidaas darteed imika waa bukaan aan sariirta ka kicin oo dhakhtarka ayaa ay muddo afar sanno ah ba ku jirtay.” Ayaa ay haddana u raacisay. Sugulle naxdin iyo af kala qaad ugama horeyn hadalka kasoo yeedhay inanta. Dibno qalalan iyo carrab candhuuftii ka gudhay ayaa uu si dirqi ah ku yidhi “Walaal dhakhtarka ii tilmaam.” “Waa sekeda afaraad ee halkan mar oo gurigaa ganjeelka weyn leh ee midabka cad leh waxyar dhaaf”, Ayaa ay ku tidhi. Sugulle socod cago jiid ah ayaa uu ku gaadhay halkii tilmaamtu ahayd, waxaana uu sheeda ka arkay dhakhtarkii ay ku jirtay Ilsan. Markii uu soo gaadhay kadib waxa uu isku qaaday qaybta daryeelka bukaanka ee haweenka. Mar kaliya waxa uu isha ku dhuftay koox dhakhaatiir ah oo ku urursan gabadh bukaan ah oo sariir saran. Kooxdan waxa ka muuqata reyn-reyn iyo farxad, meel agtiisa ah waxa hoos iskula sheekaysanaya laba dhakhtar oo kale midkood ayaa ka kale weydiinaya waxa ay tahay gabadhani iyo xanuunkeedaba, kii kale ayaa ugu jawaabay; “ Waa gabadh la yidhaahdo Ilsan oo muddo afar sanno ah aan ku xanaaneynaynay dhakhtarka, muddadaa badan waanu ku dawakhnay xanuunkeeda oo waanu garan waynay meel laga hayyo, laakiin Illaahay mahadii maanta ayaa ay ugu fiicantahay, mar aan la sheekeystayna waxa ay ii sheegtay in dhibka kaliya ee haystaa uu yahay jacayl ay u qaaday wiil ay muddo ka hor is barteen oo la yidhaahdo Sugulle, kadibna aabaheed u diiday in uu guursado oo laga bilaabo maalintii ilaa maanta ay wax war ah ka wayday meel uu jaan iyo cidhib dhigay. Sugulle oo dhagaysanayay sheekada labadan dhakhtar ayaa is hayn kari waayay oo u dhaqaaqay halkii Ilsan ay taalay. Waa uu soo dul istaagay isaga oo leh; “Ilsan, Ilsan waa Sugulle walaal ee iska waran!? Maxaa kugu dhacay ee dhakhtarka ku jiifiyay?.” Ilsan waxa naf ugu danbeysay markii ay muuqaalka iyo codka Sugulle sidii onkod roob maskaxdeeda ka dayaameen.

——————————————————————-DHAMAAD——————————————————

Qore: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhago-cadde)

Guddoomiyaha Bahda Hal-Abuurka iyo Qoraalka (Hal-Qor)

E-mail: Xiinfiniin_10@hotmail.com

www.bar-qoraal.blogspot.com

Tell: 063-4470220