Madaxwayne Siilaanyo Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Maanta Safar Ugu Baxay Gobolka Saaxil

Madaxwayne Siilaanyo Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Maanta Safar Ugu Baxay Gobolka Saaxil

siilaanyo

Hargaysa(Salaanmedia.com)Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka safar ugu baxay gobolka Saaxil, safarkaasi oo ujeedadiisa lagu sheegay inuu iskugu jiro soo indho indhayn deegaanada Gobolka Saaxil iyo dhagax dhig uu soo dhagaxdhigayo wadada isku xidhaysa Xamaas iyo Berbera.
Sarfarkan ayay madaxwaynaha ku wehelinayaan qaar kamida golihiisa wasiirada sida wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan iyo wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade.
Sida oo kale waxa madaxwaynaha qado sharaf loogu samayn doonaa magaalada Abdaal halkaas oo uu ku sii hakan doono.