Haddii Goluhu Ansixin Cashuurta Mid Xalaal Ah Maaha, Waana Sharci Daro”

“Dadkii KULMIYE ku jiray, Siyaasiyiin xilal ka soo qabtay xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo kuwii aan wali xisbina galin waxay ku soo socdaan Waddani…

Golaha

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in taageerayaal iyo siyaasiyiin xilal ka soo qabtay xukuumadda Axmed Siilaanyo ku soo biirayaan xisbiga Waddani, isla markaana wuxuu sharci-daro ku tilmaamay cashuurta xukuumaddu ku soo rogtay tilefeeshanada ku hadla afka soomaaliga ee ka hawl-gala Somaliland.
Sidaa wuxuu Cabdiraxmaan Cirro ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa.“Axsaabta qaranka waxaa loo sameeyay, Xisbiga waddani oo qudha maaha, inaynu kaga baxno qabyaalada oo mabda loo sameeyay ayaa kaas ah. Shuruucdana dhamaanteed waxay tilmaamaysaa in xisbina aanu noqon Karin deegaan gaar ah ama cid gaar ah. In taasi ay been tahay waxa ku cadaynaysa in xisbiga Waddani markii uu ahaa ururka degmooyinka dalka Somaliland, waxaan is odhan karaa ururka qudha ee degma kasta wanka galay ama tuuga galay ayuu ahaa. Reerkaygu Jamhuuriyada oo dhan ma dego shacabka reer Somaliland ayaa soo saaray Waddani. Borobogaadhaha Tifiiga qaranka, Warkayska dawladda iyo kuwa kale ee xukuumadda tageera ayaa laga yabaa inay faafiyaan arrintaa,”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
Cabdiraxmaan Cirro wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Taas waxa beeninaaya dad ku soo biiraaya khamiista xisbiga Waddani oo xillal muhiim ah ka soo qabtay xukuumadda Axmed Siilaanyo. Dadkii KULMIYE ku jiray, Siyaasiyiin xilal ka soo qabtay xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo kuwii aan wali xisbina galin dhamaantood waxay ku soo socdaan xisbiga Waddani. Waxaan u arkaa in xisbiga ay Somaliland ku badbadayso inuu yahay Waddani.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Cirro wuxuu ka hadlay cashuurta xukuumaddu ku soo rogtay Tilefeeshanada ka hawl-gala Somaliland wuxuu yidhi, “marka ay noqoto dhanka sharciga cashuuraha xukuumadu way soo jeedisaa, haddi cashuur cusub la xalaalaynayo waa inuu Goluhu xalaleeyo cashuurtaas. Haddii Goluhu ansixin cashuurta mid xalaal ah maaha, waana mid sharci daro ah. Xukuumadu way kordhin kartaa cashuur, laakiin waa in la keeno Golaha oo la ansixiyaa.”