Wasiirka Xilkiisu Maaha Inuu Cashuur Ummadda Ku Waajibiyo, Anaga Ayay Shaqadayada Tahay.”

Wasiirka Xilkiisu Maaha Inuu Cashuur Ummadda Ku Waajibiyo, Anaga Ayay Shaqadayada Tahay.”

Cshuuur

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa sharci-daro iyo ku tumashada shuruucda dalka ku tilmaamay talaabada Wasiirka Warfaafintu cashuuraha ku soo rogay Telifeeshanada madaxa bannaan, sidaa waxay ku sheegeen shir jaraa,id oo shalay ku qabteen magaalada Hargeysa.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ugu horayn shirkaas jaraa,id ka hadlay, wuxuu sheegay in Wasiirka Warfaafinta xilkiisu ahayn inuu cashuur soo saaro wuxuu yidhi,“Wasiirka xilkiisu maaha inuu cashuur soo saaro, anaga ayay shaqadayada tahay in cashuurta dalka ku waajibino. Wasiirku ummadda cashuur kuma waajibiyo, sidaas awgeed namay soo marin, wixii aan na soo marina waa sharci-daro. Waxaana immika ku talo jirnaa inaanu dib-u-habayn ku samayno dhamaan cashuuraha dalka ka jira, waxaana xukuumadda ka codsanayaa inay shuruucda dalka ilaaliso.”
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble wuxuu intaa raaciyey oo uu yidhi, “Takaaliif ama cashuur aan Golaha Wakiiladdu ansixini waa qayrul sharci. Wax anaga na soo maray maaha,wax jirana maaha, wax lagu camal falayana maaha. Cashuuraha waxa soo rogta Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ansixiya Golaha wakiilada.”
Dhinaca kale,Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, oo isna halkaas ka hadlay wuxuu yidhi, “Cashuuro ama Takaaliif xeer jideeyay aan la garanayn ama xeer Goleyaasha xeer dejinta ka soo baxay aanu jidayn suurto gal maaha in Wasiir digreeto ku soo saaro, suurto galna maaha in ummadda culays lagu dul saaro. Waxaan u arkaa uun cashuurahan culays siyaasaddeed oo xukumadda talada haysa doonayso inay warbaahinta Madaxa banaan ay saarto oo ay ku cabudhiso oo ay iyadu is wada hoos keento, arintaasina ma shaqaynayso. Saxaafaddu waa tiirka afraad ee Qaranku ku taagan yahay, aduun ay ka helaana ma jirto.”