Madaxweyne Siilaanyo oo Dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Jidka Hargeysa- Berbera illaa Sheekh

‘Farxad Ayay Ii Tahay Furitaanka Dhismaha Waddadan Oo Muhiim U Ah Isku Xidhka Dalka, Horumarinta Iyo Dhaqaalaha’IMG_2061

Berbera (SM)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay bilowga dib-u-dhis lagu samaynayo qaybo ka mid ah waddada isku xidha Hargeysa – Berbera ilaa Sheekh ee gobolka Saaxil oo laga maalgelinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

Mashruucan oo ah dayactir, dib-u-dhigis laami iyo biriij lagu samaynayo 35KM oo ah waddada isku xidha Xamaas illaa Berbera, dhigista laami dhererkeedu dhanyahya 20KM oo ah waddada u dhaxaysa Berbera iyo Sheekh, samaynta dhinacyada googo’ay iyo buuxinta gododka ee Berbera ilaa Sheekh iyo dib-u-dhiska biriishka Hudiso ee degmada Sheekh, kaas oo ay ku baxayso lacag dhan toddoba milyan (7 million USD) oo laga bixinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxaanna fulinaya Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka dalka.

Xaflad dhagax-dhigga Madaxweynaha ee mashruucan loogu sameeyey tuulada Xamaas ee gobolka Saaxil shalay, waxa ka qaybgalay Wasiirro xukuumadda ka tirsan, masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee Saaxil, madaxda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), wakiillo ka socday qaar ka mid ah dalalka mucaawanadooda lagu shubo sanduuqa, madaxdhaqameed iyo dadweynaha degaanka.

Maareeyaha hay’adda Horumarinta Waddooyinka Prof. Xasan Cali Cismaan, ayaa sheegay in mashruucan oo muhiimad wayn u leh dalka uu rajaynayo inuu si guul ah ku dhammaado muddo ilaa kow iyo toban bilood ah.
IMG_2068

IMG_2074

IMG_2089

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, ayaa khudbad uu ka jeediyey xafladdaasi faahfaahin kaga bixiyey mashaariicda sanduuqa horumarinta Somaliland oo uu sheegay inuu yahay mashruuc muddo afar sanno ah soconaya 2013 – 2016, oo lagu shubo mucaawanada ay Somaliland siiyaan dalalka Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Holland, isla markaana ay ku jirto lacag dhan 61 milyan oo dollar.

Dr. Sacad waxa uu sheegay in mashaariicda ilaa hadda la qorsheeyey in laga maalgeliyo sanduuqa horumarinta oo laga kala fuliyo guud ahaan lixda gobol ee Somaliland ay ku baxayso lacag ilaa 40 milyan oo doollar ah, waxaannu yidhi, “Madaxweyne, sanduuqaa waxa laga maalgeliyey mashaariic laga hirgeliyey guud ahaan gobollada Somaliland oo kala ah sidan; Awdal waxa laga sameeyey mashruuc biyo ah, waxa kaloo laga dhisi doonaa waddada isku xidha Dilla iyo Kala-baydh, Maroodi-jeex waxa laga maalgelinayaa mashruuc ballaadhan oo ah biyo-ballaadhinta Hargeysa, mashruuca ciid-celin, biyo-celin iyo boholo la dagaallan laga bilaabay degaanka Abaarso, Saaxil waa samaynta waddada isku xidhaysa Xamaas – Berbera ilaa Sheekh iyo mashruuc biyaha ah, Togdheer waxa laga fulinayaa mashruuc biyaha magaalada Burco ah, Sool waxa uu isugu jira biyo Laascaanood, cusbitaalla iyo dugsi magaaladaas ah iyo Sanaag oo ah biyo laga samaynayo magaalada Hadaaftimo iyo mashruuc wax-soo-saarka kalluunka ee xeebta gobolkaasi.”

“Mashaariicda loogu tallogalay waddooyinka oo iminka ah saddex qaybood oo kala ah; Xamaas ilaa Berbera oo ah 35KM iyo Berbera ilaa Sheekh oo 20KM laami laga dhigi doono, inta kalena la dayactiri doono iyo biriijka Huduso oo ay dhammaantood ku baxayso lacag dhan $7, 300,000 dollar (toddoba milyan iyo saddex boqol oo kun dollarka Maraykanka ah), qaybta saddexaad waa waddada isku xidha Dilla iyo Kala-baydh oo dhererkiisu yahay 19KM oo ay ku baxayso 2,795,000 (laba milyan, toddoba boqol iyo shan iyo sagaashan kun dollar). Isugeynta dhismaha waddooyinkani waa 74KM oo laami ah 60KM oo dayactir lagu samayn doono burburka oo ay ku baxayso guud ahaan lacagtoodu noqonayso ilaa toban milyan oo dollar,” ayuu yidhi Dr. Sacad, waxaannu u mahadnqay waddamada Ingiriiska, Denmar, Norway iyo Holland ee taageerada dhaqaalaha sanduuqa bixiya.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa tallaabo guul ah ku tilmaamay bilowga waddadan laga maalgelinayo sanduuqa horumarinta, waxaannu yidhi, “Laba guulood ayey u tahay qoladayadii waddooyinka ku shaqada lahayd iyo qarankaba oo kala ah; riyadii ahayd in la sameeyo waddo tayo leh oo rumowday markii hore cabbirro yar yar la dul-dhigi jiray, laakiin hadda in ku dhaw 40KM halkan (Xamaas) laga bilaabayo ilaa Berbera oo isku xidhan la samayn doono, ta labaad, mashruucani waxa weeye kii u horreeyey ee si rasmi ah u dhaqaaqa mashaariicda badan ee laga maalgelinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland.”
Madaxa xafiiska Hargeysa, ahna xidhiidhiyaha mashaariicda ee hay’adda DANIDA ee mucaawanooyinka u qaabilsan dalka Denmark Mr. Michael Poulsen oo ku hadlayey afka qaadhaan-biyayaasha Somaliland taageera, ayaa ka warramay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo mashaariicda laga hirgeliyey, isagoo ku ammaanay dawladda Somaliland wadashaqayn fiican oo ay muujisay.

“Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo ay iska kaashadeen dalalka Ingiriiska, Denmark iyo Somaliland waxa uu noqday mid guulaystay, waxaana ku xigay dalal kale oo doonaya inay dhaqaale ku taageeraan sida Norway iyo Holland, midowga Yurub-na waxa uu taaganyahay albaabka inuu ku soo biiro, annagoo hore ugu sii soconayna in aannu helno saaxiibo kale oo ka qaybqaata mashruucan. Tani waxay tilmaan u tahay sida ay nooga go’antahay in aannu dawladda Somaliland kala shaqayno horumarka,” ayuu yidhi Mr. Michael.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo soo gunnaanaday xafladdaasi, ayaa soo dhaweeyey mashaariicda sanduuqa horumarinta iyo dhismaha waddooyinka oo uu ku tilmaamay kuwo muhiim u ah isku xidhka horumarka dalka, isagoo si wayn ugu mahadceliyey dalalka bixiyey mucaawanadan iyo cid kasta oo gacan ka gaysatayba.

“Dawlad ahaan mar walba diyaar baanu u nahay wixii horumar dalka u keenaya oo isgaadhsiintu mudnaanta koowaad ay leedahay in aannu gacan buuxda ka gaysanno, waayo waa waxa dalka horumarkiisa inoo ballan-qaadaya. Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu tana (waddada) inooga dhigo mid khayr qabta, intaa in ka sii badana aynu u sii dhawaanno isha Allaahu,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Madaxweyne Siilaanyo.

Salaanmedia/Hargaysa