Daawo Sawirada Tababarka Real Madrid Ee Ka Hor Kulanka Habeen Danbe Iyagoo Isha Ku Haya Inay Jabiyaan Rikoorka Barcelona.

Daawo Sawirada Tababarka Real Madrid Ee Ka Hor Kulanka Habeen Danbe Iyagoo Isha Ku Haya Inay Jabiyaan Rikoorka Barcelona.

MADRID 5

Real Madrid ayaa durbaba rikooro badan dhigtay xilli ciyaareedkan, waxaana xilli ciyaareedka uu kaliya marayaa bisha December.
Ka dib markii ay jabiyeen rikoorkii iyaga u yiilay ee 15 guul oo isku xigta markii ay 2-1 kaga badiyeen Malaga bishii November, kooxda Carlo Ancelotti ayaa sii dheereysatay guulaheeda iyagoo gaarsiiyay 18 guul oo isku xigta kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Celta Vigo sabtidii.
Natiijadaas waxaa ku hogaamiyay Cristiano Ronaldo kaasoo qaab ciyaareed fiican ku jira. Kabtanka reer Portugal ayaana dhaliyay seddexleey isagoo dhigay rikoorka seddexleyda ugu badan ee La Liga laga dhaliyay oo ah 23.

MADRID 8

Haatan, Real Madrid waxa ay kulankeeda ugu danbeeya ee Group B ee Champions League la ciyaari doontaa habeen danbe kooxda Ludogorets iyagoo og in guul kale oo ay gaaraan inay ku jabin doonaan rikoorkii ay hore u dhigtay Barcelona xilli ciyaareedkii 2005-06 ee 18 guul oo isku xigta.
Inkastoo ay si sahlan kaalinta koowaad ee Group B ay ugu soo baxeen una soo gudbeen wareega 16ka, waxa ay u muuqataa in Ancelotti uusan nasasiin doonin xiddigahiisa kulanka ugu danbeeya group-ka.
Weeraryahanada Ronaldo iyo Gareth Bale, daafaca Pepe iyo goolhaye Iker Casillas ayaa la sawiray iyagoo si xoog leh uga qeyb qaadanaya tababarka ka horeeya kulanka habeen danbe, taasoo soo jeedineysa in Real Madrid ay xooga saari doonto inay jabiso rikoorka kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Barcelona.

MADRID 9

MADRID 8

MADRID 7

MADRID 6

MADRID 5

MADRID 4

MADRID 3

MADRID 2

MADRID 1