Tababaraha Xulka Brazil Dunga Oo Weerar Adag Ku Qaaday Daafaca Madrid Marcelo.

Tababaraha Xulka Brazil Dunga Oo Weerar Adag Ku Qaaday Daafaca Madrid Marcelo.

Braziil

Tababaraha xulka Brazil Dunga ayaan taageere weyn u aheyn daafaca kooxda Real Madrid, waxaana uu ka hadlay xiddigii 1994tii Koobka Adduunka la qaaday Brazil sida uu u necebeystay qaab ciyaareedka Marcelo, isagoo wareysi siinayay jariirada O Globo.
Tan iyo markii loo magacaabay markiisii labaad macalinka Brazil, Dunga kuma uusan soo darin xulka Brazil ciyaaryahan Marcelo, waxaana uu shaki geliyay awoodiisa daafac ahaan isagoo sheegay inuu inta badan weerar aan natiijo laheyn ku maqan yahay halkii uu kubada difaacan lahaa.
“Imisa jeer ayuu Marcelo weerar qaaday Koobkii Adduunka? Labaatan jeer. Imisa gool ayuu dhaliyay ama abuuray? Midna.” ayuu yiri Dunga oo sidoo kale dhaleeceeyay awooda daafaca ee Marcelo.
“Imisa jeer ayaa kubado lala maray? seddex ama afar.
“Ma ahan kaliya su’aal ka taagan Marcelo, waa cid walba, waa inaad noqoto mid lagu faa’ido.”