Mourinho Oo Ka Xun In Liverpool Ay Ka Harto Champions League.

Mourinho Oo Ka Xun In Liverpool Ay Ka Harto Champions League.

Mourinho2

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay in kooxda Liverpool ay ka harto koobka horyaalada yurub.
Jose ayaa sheegay in uu jecelyahay in dhamaan kooxaha ingiriiska ay u soo baxaan wareega 16-ka wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay u soo bixitaanka wareega 16-ka kooxaha Arsenal iyo Man City.
Mourinho oo saxaafada lahadlay kadib kulankii Sporting Lisbon ayaa yiri:
“Waxaan jeclaa in Liverpool ay u soo baxdo wareega 16-ka, waayo in dhamaan kooxaha ingiriiska ay soo baxaan waa mid u wanaagsan horyaalka ingiriiska”.
Sidoo kale tababare Mourinho ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay inay lugtooda ku reebaan Lisbon wuxuuna yiri:
“Si wanaagsan ayaan u foojignayn, taasna waan ku faraxsanahay, lakiin waxaan ka xumahay Lisbon waayo waxaan jeclaa inay soo baxaan”.
Maruu ka hadlay isku aadka wareega 16-ka wuxuu yiri:
“Waxaa jira 5 kooxood oo naagu soo beegmi kara, isku aadka ayaana lagu ogaan doona, taageerayaashu waxay jecelyihiin PSG, lakiin dhamaan kooxaha waa kuwo adag, FC Basel marar hore ayeey naga badisay”