Arsenal Oo Ku Garaacaysa Real Madrid Saxiixa Lucas Silva

Arsenal Oo Ku Garaacaysa Real Madrid Saxiixa Lucas Silva

Lucas-Silva

Kooxda Arsenal ee dalka ingiriiska ayaa ku garaacaysa kooxda Real Madrid saxiixa laacibkii diirada u saarnaa ee Lucas Silva.
Marca, Metro iyo Daily Express ayaa si isku mid ah u daabacay in kooxda Cruzeiro ay aqbashay dalab ku kacaya 11.9 milyan oo Ginni oo Arsenal ay ka gudbisay laacibka qadka dhexe ee Lucas Silva.
21 jir kaan ayaa lagu naynaasaa Kaka-ga cusub kadib markii uu ku guulaystay xiliciyaareed kii hore laacibkii ugu fiicnaa qadka dhexe horyaalka Brazil.
Dalabka Real Madrid ay ka gudbisay xiddigaan ayaa ah 9 milyan oo Ginni lakiin kooxda Cruzeiro ayaa qaadanaysa dalabka Arsenal inkasta oo ay sheegeen inay ku doonayaan laacib kaan 15 milyan oo Ginni