MUJAAHIDIIN-TII MAXAY DOONA YEEN

gabay

 

 

 

 

 

19 / 12 / 2014

Waxa  aan  salaama-yaa  warbaahinta

Madaxa  bannaan.

MUJAAHID-IINTU  MAXAY  DOONA-YEEN

Waa  keene  iyo  kordhiye.

 

Keene. Waar  yaa  kordhiye  saaxiib  waxa  aan  ku  weydii-yay

Oo  saaxiib  haddaanad  aad  ugu  dhuun-daloolin  raadso  cid

Kaaga  khibrad  badan  waayo  beenta  ma  jecli .

.

Kordhiye . saaxiib  waxa  aan  kuu  sheegayaa  in  aan  ahay

Xog-ogaal  in  badanna  uwar  hayey  SNM  .

Haddaba  anoo  runta  kuu  sheegaya  caqligaa-gana  aad  la

Kaashan  doonto . mujaahidiinti  laba  kala  ahaayeen .

Waan  kuusoo  gaagaabina-yaaye.

Qolo  waxay  ahaayeen  caddaalad  doon.

Wanaag  doon . horuumar  doon . sinnaan  doon

Qoladaa  wax  yarbaa  ka  hadhay  oo  yaaban  inay

Kuwan inay la  qastaanna  iska  diidan  oo  dibad  iyo

Gudaba  jooga.

Qolo  waxay  ahayd  KURSI  doon. xumaan  doon . rebesh  doon  qabyaalad  doon . dil  doon . boob  doon . dagaalkana may  geli  jirin.

Waxay ku  marmarsoon-jireen  isku  dubbaridka  yaannu  nahay.

Markaa  kuwa  ina  haystaa  waa  KURSI  doonkii  .

Waxaanay  jeclaayeen  sidan  faqashtu  wax  u gelayso

Inay  yeelaan  oo  amar  ku  taaglaynta  aad  ula  qiima  badnayd.

Laakiin  waxay  ilaabeen  halkii  ay  ku  danbee-yeen .

 

Mahadnna  ( ALLAA ) iskale.

Guuleed  liibaan  ( caynabo )