Madaxweyne Siilanyo oo la filaayo inuu maanta u baqoolo Dalka Djabouti+Ujeedada Socdaalkiisu daaran yahay!.

Madaxweyne Siilanyo oo la filaayo inuu maanta u baqoolo Dalka Djabouti+Ujeedada Socdaalkiisu daaran yahay!.

SOMALIA
Hargeisa-(SM)-Sida ilo wardeeyo ku dhawdhaw Qasriga madaxtooyada Somaliland u sheegeen Warfidiyeenka Qarannews,Madaxweyne Siilanyo ayaa la filayaa inuu maanta u anbabaxo dalka Djabouti

Safarka Madaxweyne Siilanyo ayaa la sheegay inuu la xidhiidho kulan hore u qorsheysnaa inuu todobaadkii hore ku dhexmaro dalka Djabouti Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud oo baaqday.

Sida xogguhu tibaxayaan waxaa kulankaa la filaayo inuu dhexmari doono labada madaxweyne Siilanyo iyo Xasan Sheikh Maxamed dhex joogi doona,oo ku wehelin doona Madaxweynaha Djabouti Ismaaciil Cumar Geelle oo isagu qadiyada kulankooda gadhwadeen ka ah.

Ujeedada safarka labada madaxweyne Siilanyo & Xasan Sheikh ayaa xogguhu sheegeen inuu daaran yahay sidii laysula jeexjeexi lahaa ama layskula meel dhigi lahaa Ajeendayaal qarsoon oo madmadow badan oo wax u dhimaya qadiyada madax banaanida Somaliland iyo kuwo dhinac Somalia u daneynayaa ku jiraan.Ku darsoo waxaa xogguhu intaas ku darayaan inay Ajeendayaasha halkaas (Jabouti) lagu diyaarinayaa gogol-xaadh u noqon doonaan wadahadalo la filaayo inay dhawaan dalka Turkiga ugu bilaabmaan labadan dhinac ee Jabouti ku kulmi doona.

Salaanmedia/Hargasya