Waxaan Leeyahay Xisbiga Kulmiye Weli Doonta Waanu Saaranahay WayseInala Sabaynaysaa”

Waxaan Leeyahay Xisbiga Kulmiye Weli Doonta Waanu Saaranahay WayseInala Sabaynaysaa”

ayaan

.
Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka tirsan Xildhibaanada Kulmiye ee Wakiilada,kana soo jeeda Awdal ayaa rajo la’aan ka muujiyay ka sii mid ahaanshaha Xisbiga Kulmiye iyo waliba inay Reer Awdal oo uu ka soo jeedaa Cod dambe siiyaan. Waxa uu tilmaamay in Miisaaniyadda sanadka 2015 muujinayso inaan Xukumadda iyo Xisbigeedu dan ka lahayn Reer Awdal.
“Anaga Qoladayadii Xildhibaanada ahaa ee Xisbiga Kulmiye ku biiray waxaanu u badnayn Xildhibaanadii Xisbigii Burburay ee Udub la odhan jiray. Haddaan Doonyo ka soo qaado Xisbiyada qaranka, Doon(Udub) aanu saarnayn oo nalagu soo doortay oo dalka ka talin jirtay ayaa horta nala degtay.Dabadeed doon (Kulmiye) kale oo shaqaynaysa oo taagan ayaanu is nidhi tanaa idiinku dhawe aad fuushaan, Shaw Naakhuudeba ma leh ee dabayshuun baa dhaqdhaqaajinaysa bahasha doon ah. Dee waanu saaranahay Doontii oo way iska socotaa oo waxaanu leenahay Illaahow may mar uun Bariga idin la tagto bal mid kale oo cidi wadato uun aad ka fuushaane.
Waxaa noo qorshaysan waxa maslaxadda Umaddayadu tahay, dad baa na doortay oo aanu meesha u joognaaye riwaad uma joogno,umaanu soo shaqo tagin ee dad baa na yidhi idinkaa naga wakiil ah oo Xisbiga aad ku jirtaan baa noo Xisbi noqonaya” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed.
Xildhibaan Axmed Yaasiin waxa uu sheegay inaanu hayn qiil dambe oo uu Dadka Reer Awdal ugu yidhaahdo Kulmiye u codeeya, waxaanuu yidhi, “Waxaan leeyahay Xisbiga Kulmiye wali waan saaranahay oo Doontu way nala sabaynaysaa, kamid baanu nahay, Wanaag baanu la jecelahay, Madaxweynahaanu wanaag la jecelahay,wax badan baanu umaddayada ku lahayn waar Nin wanaagsan oo wax inoo qabanaya oo dekedo dhisaya, dariiqyo dhisaya, waxbadan wax ka bedelaya ayaa meeshii yimid oo sidaas baanu ku raacnay.
Miisaaniyadda Qaranku wixii Madaxweynuhu kaa damacsan yahay ayay dee ka turjumaysaa, wixii Xisbigaagu kaa damacsan yahay ayaad ka dhex arkaysaa, Miisaaniyadda dhan ee 180 Milyan ah ee duudubka lagu ansixiyay Gobolka aan ka soo jeedaa waa ka kaliya ee waxa ugu yar ee Horumarka ahi ugu jiraan, dadkii aan lahaa Madaxweyna Dekedo dhisaya wax horumar sheegta wax yar baa ugu jira Miisaaniyadda, markaa waxaan kala garanayaa Saxa iyo khaladka, waxa ii danta ah iyo waxa aan Ii danta ahayn, waxa beenta noqday iyo waxa runta ah, Markaa xataa maalintii dhawayd waxaan lahaa waar bal dooda noo fura aanu Golaha dhexdiisa ka cabanee, waayo Goluhu wuxuu xaq u leeyahay inuu Miisaaniyadda wax ka bedelo, wax ku daro ama diido, in laga doodaana waa hanaan dastuuri ah laakiin, Nasiib daro Aqlabiyada Xisbigaygii aan ka soo jeeday duuduub bay nagu marsiiyeen. Markaa sideen dadkaygii aan ka soo jeeday ugu idhaahdaa Xisbigeenii aan ka soo jeeday Miisaaniyaddii duuduub buu ku ansixiyay waanad ka qatan tihiin ee Cod siiya, haddaan xisbigu sidan wax ka bedelin, haddii kale way adkaanaysaa laakiin, waxaa jira Meelo badan oo Lacago is dulsaarani jiraan oo wax laga garooci karo waa haddii loo jeedo in reer Awdal wax la siiyo”.
Xildhibaan Axmed Yaasiin oo ka tirsan Mudaneyaasha reer Awdal ee ugu cadcad kana tirsan Kulmiye oo markii u horaysay arintan ka hadlay ayaa muujiyay inaan Xukumaddani dan ka lahayn Reer Awdal, isagoo ka hadlay xaaladda Suldaan Abiibakar Wabar iyo Tabashada Awdal, waxaanuu yidhi, “Waxaan jeclahay inaan Mushtamaca u iftiimiyo tabashada reer Awdal halkay ku salaysan tahay, haddaan dib ugu noqdo tabashadaas intii Somaliland jirtayba Reer Awdal wax wey tabanayeen oo mar walba Bani’aadamka waxbaa ka dhiman.
Hase ahaatee markii ay sii badatay ee Dadku iyagoo Wefti ah Xukumadda u imanayeen ee ay lahaayeen kolba waxan baan qabnaa waxay ahayd intii Xukumaddani Kulmiye talada qabatay.Cabashadii u horaysay waxaa Madaxweynaha loo gudbiyay 2011-kii bishii 4-aad, waxaa u gudbiyay Xildhibaanada laba Gole ee Awdal ka soo jeeda,lagamana jawaabin. Tabashaduna maaha wax malo awaal ah ee waa tabasho si cilmiyeysan loo qoray oo Madaxweynaha loo gudbiyay. 2012-ka Bishii November ayaanu haddana mar kale tabashadii saxaafadda u marinay Madaxweynaha, isla Bishaa Madaxweynuhu Boorama ayuu yimid oo Odayaasha oo uu la kulmay ayaa yidhi Tabashadaas baanu qabnaa.
Waxa Qalin inaad ku qorto u baahan maxaa keenay in Qori caaradii aad ku Suuliso. Waxaan leeyahay Dalkan Xikmad ha lagu maamulo, Somaliland reer Awdal waxay ka yihiin iyo Lexejecladooda halkay kaga jirto waa la yaqaane.Maalintii dhaweyd ee aanu ka baxnay Mooshinkii Golaha wakiilada ee Somaliland oo dhami noo hambalyaynaysay, Kuwa Bullooyinka u dhaw Jigjiga jooga ayaa igu lahaa Qaranimo ayaad badbaadiseen, waar Gadabuursiga Itoobiya jooga ayaa Qaranimo u yaqaan Somaliland ee yaan been la isku sheegin” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxa uu ka jawaabay Hadal dhawaan Wasiirka Gaashaaniga Mr Caddami ku difaacay joogitaanka Ciidanka ee Awdal “Wasiir Caddami waxaan leeyahay Ciidanka qaranku waa Ciidankayagii maalinkasta Inan Reer Boorama ah ayaa ku soo dhinta Qorilugud ama Kalshaale ama Gambadha, Dhiigayagii iyo dadkayagii weeye Ciidanka qaranku ee Colaad ha noo galin ee gee halka looga baahan yahay.Ciidan uma Baahna Boorama ee Caddaalad bay u baahan tahay ee Ciidanka halka looga baahan yahay gee Wasiir” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Xildhibaan Axmed Yaasiin waxa uu Cambaareeyay Xadhiga Xukumaddu u gaysatay Xildhibaanada Golaha degaanka Boorama “Waxaan aad u cambaaraynayaa Xadhiga Xildhibaanadii Golaha deegaanka ee Boorama lagula kacay. Xasaanad bay leeyihiin oo waa Xildhibaano dad doortay, haddii la ilaaliyo Xisaanadda Xildhibaanka degaanka, Sharafta iyo Karaamada Madaxweynuhuna way ilaashamaysaa.xadhigaasi waa Qayrul sharci, Waa qayrul Dastuuri oo dastuurkaa la jabiyay Marka XIldhibaanadaas la xidhay , markaa waxaan doonayaa in si degdeg ah loo sii daayo wixii sharci daradaas fuliyayna lala xisaabtamo”
Xildhibaan Axmed Yaasiin waxa uu sheegay in Suldaanka Cadhooday ee Wabar uu yahay Nin cadhooday balse Tolkii oo isku dayay inay u caqli celiyaan ay Xukumaddu qalin daartay ka dib markii ay Ciidan u adeegsatay “Waxaan leeyahay Haddii Suldaan qaldamay Tolkii baa u quman oo u diyaar ah inay soo qabtaan oo tubta toosan tusaan, haddii dhalinyaro gadoodayna Oday dejiya ayay leeyihiin, waxaad arkayseen Odayaashii, Mutacalinkii,waxgaradkii oo dadkooda nabada kala hadlaya oo ilaashanaya, haddana ilaa hadda Boorama inta shacbi joogta Ciidankaa ka badan”