Berbera Ma Si Ka Duwan Sida Goboladda Kale Loo Xukumo Ayaa loo Xukumaa? Yaa U Xukuma?

Xukuumadda Siilaanyo Ma Joojin Karto Taageerada Aanu Ka Helayno Shacabka Ku Hungoobay Kulmiye”Gudoomiye Cirro
“Weli Kulmiye Hore Looguma Samayn In Beebeeyo Lagaga Horjoogsado Munaasibad Uu Qabsanayo Laakiin KULMIYE Ayaa Hadda Sameeyay”

cirro3-150x150

Berbera, (Salaanmedia.com)-Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro ayaa ka dareen celiyay fal xukuumada siilaanyo ku horjoogsatay xaflad xisbiga WADDANI Ku qabsan lahayeen hotel maansoor ee magaalada Berbera, kaas oo xukuumadu ciidan badan geysay hotelka xaflada isla markaana ku amartay mulkiilaha hotelka in aanu ka kirayn karin xisbiga WADDANI wax xaflad ahna aanu ku qabsan karin.Hase yeeshee munaasibaddaa xisbigu wuxuu markii dambe ku qabsaday xarunta Gobolka saaaxil xisbigaasi ku leeyahay horteeda.
Gudoomiyaha Gob. Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa soo saaray qoraal ku amraya Hudheelada magaalada Berbera, in aan lagu qaban Karin wax uu ugu yeedhay xaflado ololaysan. Sidaa daraadeed, xaflad uu xisbiga Waddani ku soo dhawaynayay taageerayaal iyo siyaasiyiin ku soo biiray oo la qorsheeyay inay ka dhacdo Maansoor Berbera ayaa badhasaabku hor joogsaday, isla markaana waxa huteelka la geeyay ciidamo fuliya amarkaa.
Gudomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna dhiniciisa tilmaamay in aanay xisbiga WADDANI caqabadaha ay xukuumada siilaanyo u dhigaysaa waxba u dhimaynin, balse ay sii kordhinayaan uun taageerada ay shacabka u hayaan xisbiga WADDANI. Gudoomiye Cirro qoraal kooban oo uu soo dhigay Boga Shabakada Facebook uu ku leeyahay waxaanuu dhignaa sidan;
“Caqabadkasta oo xukuumaddu isku deydo inay ku hakiso taageerada Xisbiga ‎WADDANI ee sii kordhaysa maalinwalba, ma joojinayso taageerada aanu ka helayno shacabka ku hungoobay Kulmiye, laakiin arimahaasi waa qaar shacabka tusaya wajiga dhabta ah ee kulmiye, Xisbiga Waddani-na kor-u-qaadaya”.‬
Dhinaca kale, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka hadlayay madal magaalada Berbera ah oo xisbigoodu ku soo dhawaynayay taageerayaal ka soo wareegay Kulmiye, waxa weedhihii uu madashaa ka jeediyay ka mid ahaa,“Dalka Berberi wey ka duwan-tahay, sidda loo xukumo Goboladda kale looma xukumo,Dawladdan iyo tii ka horaysayba isku si bay u xukumayeen cadaadis baa lagu hayaa, waa la dulmiyaa Shacabkeedda, Waxaan idin sheegayaa Xisbiga WADDANI waa ka idinka saaraya Gunnimadda”.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi, “Dawladdii Rayaale iyo tan Siilaanyaba Madaxtooyadda Berbera laga xukumaa, beri haddii uu WADDANI taladda qabto Golihiina deegaanka iyo Maayarkiina ayaa Berbera xukumaya” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
Munaasibadaas oo ahayd mid ay xoogaga taageerayaasha isbadal doonka ah ee WADDANI ay si miisaan leh u soo buux dhaafiyeen barxada hore ee lagu qabanaayay munaasibada, waxa ka qayb galay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),guddoomiye ku xigeenka Afaraad ee xisbiga WADDANI Md:Cabdi Raygal Beegsi, Marwo:Faadumo Siciid, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Md:Maxamed Nuur Caraale (Duur),guddoomiyahii hore ee gobalka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamar-je),wefti aad u tiro badnaa oo isagu jiray hogaanka xisbiga,Siyaasi Cali Axmed Kooshin iyo taageerayaal aad u tira badan oo ka soo diga rogtay xisbiga Kulmiye.
Siyaasi Cali Axmed Kooshin oo ka mid ahaa hormoodka soo biirayaasha ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaanuu yidhi,”Marka hore waxaan halkan aan aad uga salaamaya waftiga heer qaran ee uu hogaaminaayo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro,taageerayaasha xisbiga WADDANI gaar ahaan taageerayaasha faraha badan ee karaamada leh,ee ila socday igala yimina xisbiga KULMIYE, waxaan idin ka raali galinayaa hudheelkii aynu Kun iyo Labada boqol ee Kursi aynu kiraysanay ee xukuumadu inaga joojisay ee ay saaxiibo badan oo ila socday ay ka cadhoodeen oo ay ku maqan yihiin oo ay ku dagaalameen oo aan diidnay oo aan idhi ma dagaalamayno imika. Aniga maanta waxaa farxad ii ah in aan ragii aanu KULMIYE wada joognay ay maanta igaga sii horeeyeen oo ay joogaan xisbiga WADDANI,markii hore Kulmiye ayaan ahaa oo waxaa naga luntay xisbi nimadii oo mugdi ayey naga gashay, waxaa ayaan darro in KULMIYE markii uu dalka qabsaday uu reerihii la so dhaafay dib noogu celiyey,waxaad ogeydeen shirweynahii xisbiga KULMIYE ee golaha dhaxe waxii ka dhacay waatii qabiilo lagu soo xulay,siciid waa iga markhaatiye anigu waxaan isu sharaxay in aan noqdo guddoomiyaha xisbiga ee guud in aan noqdo oo aan Muuse Biixi aan la tartamo, ragii kalena waa ay u tartamayeen sharcigana waxaa la yidhi siciid gudidii qaban qaabada ayaa uu ka mid ahaa, kuraasidana reero ayaa leh oo ay kooto ugu xidhan yihiin, markaa ma qabyaalada ayeynu dabada ka wadnaa waa maya jawaabtu”.
Guddoomiyahii hore ee gobalka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay, inuu bilaabmay wakhtigii isbed doonku. “Reer Barberoow munaasibadan soo dhaweynta ah ee aynu u wada joognaa waa isbedel, soo maaha,isbedelkaas waxa lagu maleegayaa oo dadku way soo dhaqaaqi lahaayeene, maalinba walba kuwa wasiirada ah ayaa aniga ila soo xidhiidha oo waa ay ku wada qanacsan yihiin in arrin la waayay, bulshana haddii arrin la waayo, way khal khashaa, markaa hada xukuumada arrin la’aan ayaa ku dhacday, kamankan ay bulshada u garaacayaan ee la yidhaahdo muddo kordhin ayaa dhacaysa, waxaan leenahay muddo kordhini ma dhacayso”Ayuu yidhi Xamarje.
Marwo Faadumo Siciid, oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa weedhahan kaga qaybgashay madashaa, waxaanay tidhi; “Reer Berberoow duliga waydun ka baxi, biyo la’aan laydin kuma daynaayo, laydh la’aan laydin kuma daynaayo, warshadiina sibidhka la fadhataysan maayo, xamaaliintiina bada laguma daraayo, kaluunkiina idinkaa la soo baxaaya ee cid kale la soo bixi mayso, reer Barberoow xaq ayaad leedihiin, xaqiiniina weli maydaan helin, xaqiinii weli maydaan arkin,xaqiinii weli maydaan dhadhamin, waad ka qaawan tihiin, waad ka qatan tihiin, xoolihiinii, dekediina,kaluunkiina,haamihiina, sibidhkiina,lacagtiina,caruurtiinu, kuli sida ay u dhan yihiin way wada xawilan yihiin, miyaad garanaysaan meesha ay u xawilan yihiin, waxay u xawilan yihiin oo saqbadhka lagu qaadaa baabuur mad madow, oo wadada Hargeysaa loo mariyaa meel Madaxtooyada la yidhaahdo”.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo khatimaadii xafladdaa hadal ka jeediyay, ayaa isna erayadiisii waxa ka mid ahaa; “Waxaan u mahad naqayaa dhamaanba taageerayaashii muga lahaa iyo masuuliyiintii u mahad naqaysay ee ku soo biiray xisbiga WADDANI, waxaan leeyahay walaalayaal qalbi furan ku soo dhawaada,walaalayaal waxaa looga baahan yahay xukuumada iyo cid kale oo xil haysaba dulqaad ayaa looga baahan yahay, waxaan isleeyahay dulqaad yaraanta xukuumada iyo xisbigeeduba, waxad ogeydeen in khamiistii sii horeysay oo xisbiga WADDANI uu ku qabsanaayey xaflad, markaa waxii ka dhacday waad ogeydeen, xisbi munaasibad si nabad ah u qabsanaaya ayaa xukuumada iyo xisbigeedu waxaa ay so abaabuleen dhalinyaro ka badan Lix boqol oo qof oo basas lagu soo gurey loona soo dhiibay dhagxaan, malaha hubna waa ay siteen iyo faashash,way jajabiyeen dhamaanba gawaadhidii hudheel Crown yaalay,hudheelkiina inta ay soo galeen ayey dadkiina dhaawaceen, hudheelka waxaa joogay laba askari oo ciidanka booliska ka tirsan, labadiina markii ay hawshii bilaabmaysay waa ay ka ka xeeyeen, nabad galyada xukuumada ayaa ka masuul ah dee waa ay ladnayd oo dhagxaan ayey u soo dhiibtayba.Se Barbera maxaa ka dhacay? . waxaanu xaflad ku qabsan lahayn huteelka Maansoor ee Barbera, ciidan lama dhiginee waxaa la dhigey tikniko, beebeeyo ayaa la keenay, weli Kulmiye hore looguma samayn in beebeeyo lagaga horjoogsado munaasibad uu qabsanaayo laakiin KULMIYE ayaa hadda sameeyey”,Ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro.