Sheekh Cali Dheere oo u digay dad uu sheegay inay dalka soo gelinayaan Manaahij Qaldan

shabaab

Afhayeenka Guud ee Ururka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa u digay dad uu sheegay inay ku howlan yihiin soo gelinta dalka Soomaaliya manaahij qaldan oo maskaxda looga bedelaayo dhalaanka Somaaliyeed.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo ku mashquulsan soo daabicitaanka Manaahij qaldan oo lagu marin habaabinaayo sida uu yiri waxbarashada caruurta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in dadkaasi uu uga digaayo inay joojiyaan arimahaasi si aysan dhibaato u soo gaarin.

Waxa kale uu ku waramayaa Afhayeenka Ururka Shabaab in ciidamada Shabaab laga rabo inay ka hortagaan meelaha lagu faafiyo manaahijta noocaasi ah oo asalkooda ay soo qoreen shisheeye sida uu yiri.

“Waxaan uga digeynaa dadka ku mashquulsan soo daabicitaanka manaahijta qaldan ee dadka lagu marin habaabinaayo oo caruurta nalooga qaldaayo dadka inay arimahaasi ka waantoobaan oo ay joojiyaan dhibaateynta umadda Islaamka ah”Ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo ka hadlaayay Magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud oo tababar loogu soo xiray macalimiin Shabaab ka tirsan.

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka maskaxda la isaga qabsado iyo midka xabada la isku rido uu dhib badan yahay midka maskaxda qofka looga bedelo oo garaadka qofka looga qabsado, wuxuuna sheegay in dad badan oo Soomaali ah maskaxdooda la bedelay.

Afhayeenka Shabaab ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay difaac adag ka galaan manaahijta qaldan ee la doonaayo in maskaxda looga qabsado, wuxuuna tusaale usoo qaatay Barnaamijka “Aada Iskuulada” oo dowladda Soomaaliya kol hore shaacisay, isaga oo barnaamijkaasi ku tilmaamay mid maskaxda looga qaldaayo caruurta Soomaaliyeed.

Shabaab ayaa deeganada ay ka maamulaan Gobolada dalka Soomaaliya waxa ay ka mamnuuceen in lagu dhigo manaahijta waxbarashada dalka, iyaga oo taa bedelkeeda amray in diinta iyo tarbiyada Islaamka si wanaagsan loo baro caruurta Soomaaliyeed.

Salaanmedia/Moqdisho