Maydh: Isburinta Ciidamada Illaalada Xeebaha iyo Wasaaradda Kalluumaysiga

Maydh: Isburinta Ciidamada Illaalada Xeebaha iyo Wasaaradda Kalluumaysiga

timthumb.php_1-150x100

Ceerigaabo, (Salaanmedia.com)-Ciidanka Illaalada Xeebaha G.sanaag ayaa dhawaan qabtay lix doonyood oo nooca kallmuuyasiga ah kuwaas oo wasaarada kaluumaysiga Somaliland siisay ruqsad ay ku hawl galaan, isla markaana waxa loo soo dhaadhiciyay Berbera, taasoo ka cadhaysiisay masuuliyiinta wasaaradda kaluumaysiga ee Gobolka Sanaag iyo duqayda deegaanka Maydh.
Dhacdadan oo cadho xoogan ka abuurtay degmada maydh iyo guud ahaan gobolka sanaag ayaa ilaa hada aan wax xal ah laga gaadhin,ka dib markii ciidanka illaalada xeebuhu ka dhega adaygeen inay u hogaansamaan nidaamka wasaarada kaluumaysiga.Isla markaana taliyaha illaaladda xeebaha ayaa todobaadkii hore shaaciyay, doonyo tiro badan iyo bad maaxayaal badan oo sharci darro badda ugu jiray oo ay qabteen, kuwaasoo ay keeneen Berbera. Siday faafiyeen shabakadaha wararka qaarkood, Ciidanka xeebaha ayaa ku doodaya, in doonyaha laga kaxeeyay maydh yihiin kuwo bilaa sharci ah,hase ahaatee waxa arintaa si adag u dedefaysay wasaarada kaluumaysiga oo sheegtay in doonayahani hasystaan sharciayadii,si waafaqsan nidaamka dalkana ku hawl gelayeen.
Madax dhaqameedka iyo masuuliyiinta kale ee gobolka sanaag ayaa talaabada doonyaha lagu geeyay Berbera ku tilmaamay khalad taariikhi ah oo laga galay nidaamkii dawliga ah ee gobolkaa,waxayna ugu baaqeen xukuumada dhexe gaar ahaan madaxweyne Siilaanyo inuu arinkaa wax ka qabto.
Xiligii arinakani dhacay ayaa gudoomiyaha gobolka sanaag Maxamuud Cali Saleebaan waxa la sheegay inuu ku hawlanaa daminta shaqaaqo beelo walaalo ah ku dhex martay koonfurta magaalada c/gaabo,iyadoo gudoomiyaha lagu tilmaamo inuu yahay nin maamul ahaan aan jeclayn in cid kale ku soo fara geliso gobolka uu masuulka ka yahay