Ma Daneyneysaa Inaad Dib U Soo Nooleyso Xidhiidhka Jaceylkaagii Hore?

Ma Daneyneysaa Inaad Dib U Soo Nooleyso Xidhiidhka Jaceylkaagii Hore?

llll

Kala taga waxaa macquul ah in badanaa ay u tahay khibrad aan aad loogu dhiiran karin.marka aan lumino qof aan jecelnahay waxey nagu dhalisaa inaan isweydiino shaqsiyadeena sida ay tahay ,waxaana aynu dib u saxnaa qaladaadka aan leenahay. Sidoo kale waxyaabaha aan xooga saarno hadii aan ogaano qofkaas inaan ka maarmi karin,waa sida aan fursad labaad ku heli laheyn. Hadaba hadii aad la kulantid marxalad noocaas oo kale ah, jeceshahayna inaad dib usoo nooleyso waa hubaal in talooyinkaan ku caawin doonaan. U qaado si degan. Horey ha ugu boodin hadii uu kuu soo laabto,qaado waqti aad kula xidhiidhid lamaanahaaga dhamaan aragtiyaha iyo isbedelka aad sameysay intii aad kala maqneydeen, il gaar ahna ku eeg hadii uu isagana isbe…delka dhab ka yahay.waqtigu wuxuu siiyaa dadka fursad qofka isku bedeli karo,hubi hadii fursadii hore laga dareemayo.sii lamaankaaga waqti aad ku qiimeyn karto inuu wax ku qaatay,diyaarna u yahay inuu xaalad ka wanaagsan tii hore diyaar u yahay.
Hadii uu soo laabto,hubi inuu la soo laabtay dareen qirasho ah inaad noloshiisa ka mid tahay,wareysi aragna qofka uu yahay xilligan iyo wixii uu ka soo bartay dareenkiisa adiga kugu aadan.
Hadii aanu kuula iman qirasho,waxaad ka dareemi kartaa dhaqankiisa, ee waxba waqti kale ha isaga lumin. Hubi meelaha uu ka adag yahay iyo meelaha uu ka liito. Eeg meelaha qofkasta oo idinka mid ah uu ka dhisan yahay ama ka liito,islamarkaana soo qaato meelaha aadka looga liito,kana dhigo mowduuc aad ka wadahadli kartiin qaabkii loo sixi lahaa,sidaadarteed waxaad awoodi kartaan inaad iska caawisaan inuu koro xidhiidhkiinu. Fahan in mararka qaar kala hadhidu ay tahay wadada ugu wanaagsan in qof walbo uu ku koro,barasho iyo isbedel shaqsiyadeed. Hadii isbedelku dhaco,jaceyl cusub iyo balamo ayaa loo eegi karaa. Hab aan markii hore macquul aheyn. hadii aad si joogto u ciqaabto lamaanahaaga marwalbo kala tagaasi waa faa’iido weyn. Ka noqo masuul naftaada. Marka la kala haro waxaa soo cadaata qaladaadkii aad sameyseen ee sababta u noqday inuu xiriirkaas socon waayo.waxaa muhiim ah inaad xisaabiso qaladaadkaaga isbedelna ka gaarto,Ka fogow inaad waqtiga ku dhameyso eedeymo aan waxba soo kordhin karin. Xusuusnow……