Hadii Aad Maqli Jirtay Magaalooyin Loo Dalxiis Tago Baro Kuwo Loo Geeri Tago;;;;;;;;;;;;;;

Hadii Aad Maqli Jirtay Magaalooyin Loo Dalxiis Tago Baro Kuwo Loo Geeri Tago;;;;;;;;;;;;;;

DHIMASHOO

In Badan Ayaa Maqashay Magaalooyin Loo Dalxiis Tago Sida Sharmaishiikh Miami Iyo Bahamas Laakiin Wali Ma Maqashay Magaalo Loo Dhimasho Tago ? ..
Sida Ay Qortay Jariirada The Sun Waxaa Tuulo Lagu Magacaabay Pfaffikon Oo Ku Taala Zurich Swetzerland Ka Furan Xarun Caafimaad Oo Lagu Magacaabo DIGNITAS .
Xaruntan Waxaa Lagu Fuliyaa Dil Sharafeed Ama Hadii Aan Si Kale U Dhigno Xarunta Waxa Ay Dadka Qaba Xanuunada Aan Dawada Lahayn Ama Dhimashadooda Loo Qabtay Mudo Kooban Uga Raaxaysaa Dhibka Iyo Xanuunka Haya Ilaa Iyo Hadana 135 Ruux Oo British Ah Ayaa U Safray Zurich 27 Ka Mid Ahina Waxay Tageen Sanadii Na Soo Dhaaftay Dhamaan Dadkani Waxay U Dhimasha Tageen Xarunta DIGNITAS Ee Uu 1998 Aasaasay Looyar Xaquuqal Insaan Oo Lagu Magacaabo Ludwig Minelli .
Dadka Ugu Badan Ee U Geerida Taga Zurich Waxa Ay U Dhasheen Dalalka Germany, Iyo Britan Shuruucda U Dagsan Dalkooda Oo Dambi Ka Dhigaysa In Qofka Lagu Caawiyo In Uu Is Dilo Ayaa Sababtay Inay U Safraan Xarunta Lays Ku Khaarajiyo , Aasaasaha Xarunta Ludwig Wax Uu Sheegay Inaysan Shaqada Ay Hayaan La Yaab Lahayn . Ujeedada Xaruntiisana Waxa Uu Ku Tilmaamay Inay Tahay In Dadka Nolosha Ka Quustay La Siiyo Dhamaad Sharaf Leh.
DIGNITAS , Waxa Ay Ku Taala Tuulo Warshadley ah . Walow Uu Ninkani Samayeey Xaruntan Uu Sheegay Inay Yihiin Urur Aan Faa,iido Doon Ahayn Hadana Waxaa Qofka Is Khaarajinaya Ku Baxa Aduun Lacageed Oo Gaadhaya, 10500 oo Swiss Franc Ah Una Dhiganta 6200 oo Gini .
DIGNITAS Waxaa ka Shaqeeya Lix Dhakhtar Oo Go,aamiya In Bukaanka Loo Qore Sunta Laysku Dilo Iyo In Kale Ludwig Waxa Uu Sheegay Inay Dadka Ku Caawiyaan Inay Is Dilaan Oo Kaliya . Laakiin Wakhtiya Iyo Maalinta Qofku Is Dilaayo Uu Isagu Qorshaysto
Dadku Marka Ay Is Khaarajinayaan Waxay Kaaga Sheekaynayaan Wacdarahoodii Nolosha Xasuustoodii Waayo ? Iyo Kaftanadii Ay Jeclaayeen . Cidina Ma Dadajiso .Ayuu Yidhi,77 jirkan Ikhtiraacay Xaruntan Layku Dilo. Bukaanka Doonaya Inuu Xijaabto Waxaa La Jooga Qoyskiisa Iyo Asxaabtiisa 30 Daqiiqo Ka Hor Inta Aanu Cabin Sunta Ruuxda Ka Qaadaysa Waxaa La Siiyaa Dawo Matag Joojina Sunta Oo Aad U Qadhaadh Awgeed Waxana Qofka La Soo Ag Dhigaa Sinxi Shukulato Swiss Ah Ah , Music Ayaa Loo Shidaa Si Ay U Yaraato Welwelka Dhex Muquuraya Qofkaasi ..
Dadka Ugu Badan Ee Xarunta DIGNITAS U Geeri Tagaa Waxday U Badan Yihiin Kuwa Qaba Cudurada Aan La Daawayn Karin Ama Ay Khubarada Caafimaadku Sheegeen Wakhtiga Ka Hadhsan Noloshooda.
Ludwig Waxa Uu The Sun Uga Faalooday Haweenay Da,a Ah Oo U Dhalatay Britan Oo Kolkii Ay Is Dilaysay Usbuuc Ka Hore Qosol Iyo Kaftan Ku Dhamaysatay Daqiiqadihii Ugu Danbayey Nolosheeda.Sanado Badan Oo Ay Xanuunsanayeen Waxay Bukaanadu Qaataan Sunta Ay Dhakhaatiirtu U Diyaariyeen Iyaga Oo Ku Faraxsan Inay Wajahaan GEERI;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;