Wasiir Ingiriisk Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

Wasiir Ingiriisk Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

WASIIR

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Wasiirul dawlaha Ingiriiska u qaabilsan arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka, ayaa ka jawaabay su’aal uu xildhibaan Ingiriis ahi ka weydiiyay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Xildhibaan Simon Kirby oo ka tirsan xisbiga Muxaafadka lagana soo doorto magaalada Brighton, ayaa wasiir Hugo Swire su’aalay arrimaha u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, waxaanu wasiirka oo isaga qudhiisuna isla xisbiga Muxaafadka uga soo baxa Degmada East Evon, uu yidhi “Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ay u taallaa in ay go’aan ka gaadhaan waxa uu noqonayo xidhiidhkooda mustaqbalku, dalalka la deriska ah ee gobolkaas ku yaalla ayaanay tahay in ay iyagu hormuud ka noqdaan aqoonsiga hadba wixii ay labadan dhinac ku heshiiyaan.
Shirkii London ee bishii Febarwer 2012ka ayaa lagu aqoonsaday baahida loo qabo in

bulshada caalamku ay taagerto wada xaajood kasta oo ay Somaliland iyo dowladdii ku-meel-gaadhka ahayd (TFG) ama dowladda beddeli doontaa isku waafaqaan in ay wada gaadhaan si ay u caddeeyaan sida uu noqonayo mustaqbalkoodu” shirkaas intii ka dambaysay Somaliland iyo Dowladdii TFG waxa ay markii koowaad ku kulmeen aqalka Chevening ee dalka Ingiriiska, bishii Juun 2012kii. Labada dhinac (Somaliland iyo TFG) waxa ay ku heshiiyeen in ay iskaashi ka yeeshaan arrimaha danaha ay wadagaan ah. Intaa kadibna, Somaliland iyo Soomaaliya dhowr waxa ay dalka Turkiga ku yeesheen dhowr wareeg oo kale oo ah wada hadallo dheeraada oo heer wasiirro ah